X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Gobolka Salal Oo Ku Guulaystay Xalinta Mushkilad Ka Taagnayd Deegaanka Kadib Markii Uu Xilka La Wareegay

Araweelo News Network

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Salal Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi oo xilka la wareegaya 6 January 2016

Saylac(ANN)Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Salal ee xaruntiisu tahay magaalada Taariikhiga ah ee Saylac Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa ku guulaystay xalinta mushkilad shaqaaqo ka taagnayd deegaanka Saylac oo sababtay xafhiga 23 dhalinyaro Cyaal Iskuul ah, kuwaas oo u xidhnaa laba maalmood rabshado dhexmaray.

Bafhasaabka cusub oo xilka la wareegay maalintii shalay, ayaa ku guulaystay xalinta arrintas, wuxuuna amray in Ooda laga qaado dhalinyaradaa oo xoriyadoofii loo soo celiyo. Kadb markii uu xaliyay arrintaa.
“waanu dhamaynay arrintaa waana lasoo daayay dhalinyaradaa oo ka socotay laba Dugsi oo rabshado dhexmareen’ sidaa waxa shebekada wararka ee Araweelo News Network u sheegay maanta Badhasaabka cusub ee Salal Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi.

Dhinaca kale Badhasaabka ayaaa xilk si rasmi ah xilka ugula wareegay Munaasibad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta, Wasiir Dawlaha Maamulka gobolada iyo degmooyinka, Agaasimaha Maamulka gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland

Badhasaabka cusub, wuxuu uga mahadceliyay dadweynaha sidii ay usoo dhoweeyeen iyo dareeenka iyo shucuurta ay ku qaabileen. Badhasaabka Cusub Dr. Axmed Naasir, ayaa balanqaaday inuu hawsha qaranka iyo masuuliyada loo igmaday halkaa kasii wadi doono,

sidoo kale waxa ka hadlay xubnaha Wasiiradda ee ka qaybgalay munaasibadaa iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo Badhasaabka ku amaanay mudadii uu joogay gobolka Daad-Madheedh oo ay sheegeen in lagu ogaaday hawlkarnimadiisa. Sidaa awgeed waxay xuseen inuu yahay masuul kadoo bixi kara hawshiisa, waxayna Illaahay uga baryeen inuu u fududeeyo xilka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post