X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Oo Joojiyey Dhisme Ka Socday Dhulka Kasoo Horjeeda Dekedda Muqdisho

Araweelo News Network

Eng. Yariisaw

Muqdisho(ANN)-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa warqad si rasmi ah ku joojiyey dhismaha ka socda dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir.

Waxuuna ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawlaha dhismaha, isagoo tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in dhismayaal sharci darro ah laga sameeyo dhulalka danta guud.

Duqa Muqdisho ayaa faray maamulka degmada Xamar jajab inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismuhu ka socday, waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey inay tallaabo ka qaadaan cid walba oo isku dayda dhismaha dhulkan.

“Cid walba oo isku dayda in dhulka danta guud ay dhismeyaal sharci darro ah ka sameyso tallaabo ayaan ka qaadi doonaa, joojinta dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ka soo horjeeda dekedda magaalada Muqdisho waa tallaabo aan uga golleenahay in dib loogu soo celiyo gacanta dawladda dhulalka danta ee ka maqan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u joojiyay dhisme ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro oo ku yaala Isgoyska Ceelgaabta, waxana ay tallaabadani qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo maamulka ku doonayo in dib loogu soo celiyo dhulalka danta guud ee sida sharci darrada ah loo dhisanayo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Benaadir
Muqdisho-Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post