X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga WADDANI Xabsiga Laga Sii Daayay

Dhamme

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Xoriyadiisa u soo celisay Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDAN, Maxamed Sidiiq Dhamme, kadib markii uu mudo laba bilood iyo dhawr caanamaal ku xidhnaa xabsiga, iyadoo  Maxkamadda gobolka Maroodijeex ku xukuntay 6 bilood oo xadhig ah.

Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa xukuumaddu xabsiga dhigtay kaddib markii sida lagu eedeeyay uu barta uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey hadallo uu ku dhaliilay Xaalad deg-deg ah oo Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyin ka mid ah Gobolka Sanaag, waxaana laga xidhay Gurigiisa oo ku yaalla Hargeysa.

Mr. Dhamme oo markii Xabsiga laga soo daayey la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi “71 Maalmood ka dib, waxaan Maanta helay Xorriyaddaydii aasaasiga ahayd ee markii horena xaq-darrada la igaga qaaday iyo Xadhiggaygii Qafaalashada ahaa oo runtii aan waafaqsanayn Sharciga.”ayuu yidhi, Dhamme.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post