X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Dallada Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF Oo Ku Tilmaamay Muddo Kordhinta Mid Niyad-jab Ku Ah Bulshada

Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Abdirahman Warsame, Araweelo News Network 18 Nov 2019 Hargeysa Somaliland


Hargeysa(ANN)-Dallada SONSAF, ee midaysa Ururada Bulshada Rayidka ah ee aan dawliga ahayn, ayaa canbaaraysay dariiqa golaha guurtidu u mareen muddo kordhinta labada sananood ee ay qalinka ku duugeen.


Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Abdirahman Warsame oo ka hadlaya arrimahaa, ayaa sheegay in arrinta muranka ugu weyni ka taagnaa ay ahayd arrimihii doorashooyinka iyo xubnaha Komishanka ee cusub, kuwaas oo uu xusay inay muddo laba sannadood ah soo taagnaayeen, balse ay layaab ku noqotay in muddo kordhin laba sannadood ah loo sameeyo golaha wakiiladda, iyadoo aan waxba laga weydiin axsaabta mucaaradka.

Waxa kale oo uu ka hadlay Guddoomiyaha SONSAF, isla markaana carabka ku adkeeyay in aanay haboonayn in mar walba muddo kordhin aan qotshe cad lahayn la sameeyo, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawici karta sumcada Somaliland ku lahayd dunida, isla markaana shacabka ku keeni karta niyad jab iyo inay xilliyada danbe doorashooyinka codayn waayaan.


Waxa kale oo uu xusay in aan wax tashi ah lagala yeelan axsaabtu, isla markaana ay noqotay wax lala yaabo in mar walba muddo kordhin soo nooqoto oo doorashadii dib u dhacdo, xilligana waxa uu sheegay inuu taagnaa muranka Komishanka ay ka qayliyeen xisbiyada mucaaradku.

AKHRI: SONSAF Oo Canbaaraysay Xadhiga, Saraakiisha WADDANI, Xarunta Telefishanka Horn Cable Iyo Isu Soo Baxyada

Guddoomiye Anwar, ayaa sidoo kale si adag u sheegay in muddo kordhinta labada sanandood ee loo sameeyay golaha Wakiiladda aanay ahayn mid xataa laga qaybgeliyay muddo kordhintaa Xisbiyada mucaardka, “Way imanaysay muddo kordhin, laakiin wax tallo ah lagama siin axsaabta mucaaridka, waxaana haboonayd in muddo kordhinta loo meeldayo sidii caqabadaha yaalay qorshe looga yeelan lahaa, waana arrin go’aan la raacin oo dumuqraadiyadii Somaliland dhaawacay sababtoo ah markii lixaad ayaa la kordhiyay, mana jirto wax ka raaciyay, waana arrin Bulshada ku keeni karta niyad jab,.” ayuu yidhi, walaw uu xusay in golaha guurtidu xaq u leeyihiin inay sameeyaan muddo kordhin, balse ay Ururada Bulshadu saluugeen qaabka loo kordhiyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post