X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Dabagalka Hantida Qaranka Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Qiray Deynta Ay Xukuumaddii Hore Ka Tagtay

Xildhiabaan Ibraahin Mahdi Buubaa, By, Araweelo News Network 4Febeuary

“Xukuumaddu, waxay la dhitinaysaa Siddeetan Milyan Oo deyntii lagaga tegey ah”

Hargeysa(ANN)- Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa  kulan la yeeshay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, Xisaabiyaha Guud Axmed Daa’uud iyo saraakiisa maaliyadda. kulankan oo maanta ka dhacay dhismaha Baarlamaanka Somaliland, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay.

Hase yeeshee markii kulanku dhamaaday waxa saxaafada warbixino kooban siiyay Wasiir Sacad iyo Xildhibaan Buubaa, waxayna laduba sheegeen inay kulanka u jeedadiisu ahayd sidii la isaga xog-waraysan lahaa Xisaab xidhkii 2017, isla markaana is wada jir ah la isula eegi lahaa sidii loo sixi lahaa nidaaamka maaliyadeed ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda oo la weydiiyay, waxa ka jira ay deyn xukuumaddii hore ee oo uu ka mid ahaa ku wareejisay xukuumadda cusub ee KULMIYE, isla markaana ay deyntaasi caqabad ku noqotay xukuumadda cusub, wuxuuna arrintaa kaga jawaabay,”Deyn wey jirtaa oo ma jirto xukuumad aan deyn wareejin, anigaba markii xilka laygu wareejinayay deyntu waxay ahayd waxyaabaha laygu wareejiyay.”

Dhinaca Xildhiabaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo dhankiisa markii kulanku dhamaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in markii xukuumaddaha KULMIYE, ay xilka la kala wareegayeen sheegeen in aanay jirin deyn ay la kala wareegeen, balse waxa uu sheegay inay taasi been noqotay.

“Xukuumaddu waxay la wareegtay 80,000, 000,(sideetan milyan oo dollar), waxa ku jirta lacag 4.1Milyan dollar ah oo miisaaniyad sannadeedkii 2017, ugu jirtay Baanka dhexe oo aan gaadhin Baankii, miisaaniyaddana ka maqan, markaa waxaanu u balanay wasiirka iyo xisaabiyaha inay qoraal noo soo gudbiyaan, wixii kale ee aannu u aragnay inay lagama maarmaan yihiin” ayuu yidhi, Buubaa

Sidoo kale Xildhibaan Buubaa, wuxuu sheegay inay ka wada hadleen Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyaha guud in kharashaadka ku jira miisaaniyada iyo talooyinkii golaha wakiiladda sidooda loo raaco, wuxuuna tusaale usoo qaatay lacagta 2%, eek u magcaaban gobolada Bariga in ay gole ahaan 2011, miisaaniyada raaciyeen in lacagtaa mashaariic loo bedelo, balse aan lagu dhaqmin, sidaa awgeed ay doonayaan in tallooyinka la raaciyo miisaaniyada ay wasiirka iyo xisaabiyaha guud sidooda ugu dhaqmaan, taas oo uu sheegay inay u balan qaadeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post