X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Oo La Doortay

Cabdirishiid Yuusuf Jibriil


Garoowe(ANN)-Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa doortay guddoomiye cusub oo hoggaaminaya fadhiyada Baarlamaanka, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay xilka iyo xubinimadiiba laga xayuubiyay guddoomiyihii horre Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed)


Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay u tartameen dhowr xildhibaan, ayaa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jabriil kaddib markii uu ka guulaystay laba musharax oo kale oo la tartamay.

Fadhiga oo maanta ka qabsoomay dhismaha Baarlamaanka ee magaalada Garoowe, waxa kasoo xaadiray 63 xildhibaan, iyadoo ay ka maqnaayeen 3 mudane oo keliya, Xildhibaanada magacyadoodu kala yihiin Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, ayaa isugu soo hadhay wareegii labaad ee doorashada, iyagoo kala helay 34 Cod iyo 17 cod.


Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland oo fadhiga guddoominayay, ayaa ku dhawaaqay natiijada in wareegii labaad oo uu ku guulaystay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 cod, halka musharaxa labaad ee la tartamayey ee Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 17 Cod, waxaana sidaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku noqday Cabdirashiid Yuusuf Jabriil oo kasoo jeeda deegaanka Bariga Sanaag ee Somaliland, isla markaana ay isku deegaan yihiin guddoomiyihii xilka laga tuuray ee Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha cusub ee Baaralamaanka Puntland, Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo hadlay warbaahinta markii uu ku guulaystay tartanka, ayaa balanqaaday in uu wada shaqayn dhaw la yeelan doono guuud ahaanba xildhibaannada isaga oo ilaalinaya sharciga iyo dastuurka maamul gobolleedka Puntland.


Guddoomiyihii horre xilka laga xayuubiyay, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), ayaa horre u sheegay inuu yahay guddoomiyaha sharciga ah, wuxuuna xil ka qaadistiisa ku macneeyay mid aan sharci ahayn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post