X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Lasoo Daayo Muqtaar Rooboow

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan

 Muqdisho(ANN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaMaxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan, ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah inaydegdeg u sii deyso Shekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu-Mansuur. Sidaa waxa yidhi,Guddoomiyaha oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho,

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan shir jaraa’id oo uu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo uu kaga hadlay arrima baddan oo taabanaya siyaasadda dalka, tan koonfur galbeed iyo xadhigga Mukhtaar Rooboow

Balse, wuxuu ugu horreyn uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Xildhibaan C/shakuur Shekh Yacquub oo lagu dilay magaalada Baydhabo iyo dadki ku nafwaayey rabshadihi maalmahan ka dhacayey magaalada Baydhabo isaga oo ku baaqay in nabadda la soo celiyo.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya  dastuurka ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya yidhi, “muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in la dooran karo waxna uu dooran karo, Mukhtaar Rooboowna waa muwaaddin Soomaaliyeed oo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Murrashaxa sida ay caddeeyeen guddiga doorashada ee Koonfur galbeed isla-markaana guddoonsiiyey shahaadada musharraxnimo oo ah inuu u tartami karo doorashada ka dhacayso Koonfur Galbeed.

Sida uu dhigayo dastuurka dalka Soomaaliya qofna lama xidhii karo xadhig aan sharciga waafaqsanayn, awoodda dowladdana looma isticmaali karo meel ka dhaca ka dhan ah karaamada iyo xuquuqda aadanaha ee muwaaddinka.

Waxaana nasiib darra ah ayuu yidhi, “inay dhimasha, dhaawac iyo hanti burbur ay ka dhalato qabashadii Mukhtaar Rooboow oo loo soo xidhay si baal marsan sharciga maadaamaa aan amar maxkamadeed lagu soo qaban.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan, ayaa ku baaqay in Shacabka reer Koonfur Galbeed ay isdajiyaan nabaddana adkeeyaan sharcigana dhawraan;

    In guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed inta laga helayo jawi xasiloon oo ku habboon qabashada doorasha xor oo xalaal ah;

    In ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dajinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala dambeynta;

    In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalintooda dhaqanka ee ay ku leeyihiin nabadda iyo wadajirka guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna Koonfur Galbeed;

    In murrashaxa xidhan xurriyaddiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha baddan loona oggolaado inuu dib uu ugu noqdo deegaanki laga soo xidhay si uu uga mid noqdo murrashaxiinta u tartamaya qabashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa ka hadlay siyaasadda Muqdisho ka taagan xusay xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho gaar ahaan arrinta Mooshinka ee ay xildhibaannada Golaha ku kala qaybsameen.

Guddoomiye Mursal wuxuu sheegay in cabbudhin lagu hayo xildhibaannada isaga u iman lahaa sidaa darteedna uu uga soo guuray halki uu degganaa uuna u soo guuray halka uu hadda deggan yahay isaga oo xukumadda ka dalbaday in la ilaaliyo xorriyadda isu socodka Xildhibaannada Golaha.

 “bariyahan dambe waxaa billaabatay in xildhibaannada loo diido iney u soo gudbaan deegaanka aan anigu degganahay, waxaan leeyahay arrinkaasi arrin wanaagsan ma aha, baarlamaankana xor ayuu ka yahay golaha fulinta wuuna ka madax bannaan yahay.”

“Marka xukumadda waxaan leeyahay waa iney ilaalisaa sharciga waddanka u yaalla iyo dastuurkaba xildhibaannada waa in loo oggolaadaa xor iney u noqdaan dhaqdhaqaaqooda.”.

Tani iyo intii ay 92 xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ay soo jeediyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo waxaa siyaasad ahaan kala taagan hoggaanka dalka iyada oo baarlamaanka iyo guddoomiyeyaashiisuba ay ku kala qaybsan yihiin mooshinka madaxweynaha laga soo jeediyey iyo habka loo soo gudbiyey.

Guddoomiye Mursal oo ka hadlayay khilaafka siyaasadeed iyo xukuumadda ee sababay mooshinka, wuxuu yidhi,“Haddii ay dhaqdhaqaaqa xildhibaannada ay noqoto in ay iisu gudbi waayaan wax la xallin karo malahan, aniga waxaan halkan ugu soo wareegay ee ugu muhiimsan waxaa weeye inaan arko xildhibaannada oo si xor ah u dhaqdhaqaaqaya.”

“Deeganki hore ee aan degganaana ma noqon mid suuragelin kara mid si xor ah ay xildhibaannada isugu socdaan iiguna soo gudbaan, marka halkan waxaan rabaa iney noqoto meel ay xildhibaannadu si xor ah iigu iman karaan” ayuu yidhi.

 “Waa in xildhibaannada laga daayo goobaha (check point) ee lagu celinayo wixii la xallin karana xal aan u raadinno, halkanna uma soo degin buuq iyo rabshad marka waxaan rabaa dastuurka ku meel gaadhka ah in la ilaaliyo, Soomaaliyana waxaa u wanaagsan inaan sharciga dib ugu soo celinno ee ma aha inaan fowdo ku sii soconno.”ayuu yidhi, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post