X

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaadhay Garoowe Xilli Mudaharaadyo Rabshado Wataa Hadheeyeen

Araweelo News Netwk.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Gaadhay Garoowe Xilli Mudaharaadyo Rabshado Wataa Hadheeyeen

Garoowe(ANN)- Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland.

Socdaalka Guddoomiyaha, ayaa kusoo beegmay xilli ay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya kusii socoto khilaaf ka taagan doorashooyinka oo laga cabsi qabo inuu dib ugu celiyo qalalaase iyo fawdo ay kusoo jirtay Soomaaliya ku dhowaad dhawr iyo labaatan sannadood.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 26 December 2020, Araweelo News Network

Sidoo kale, socdaalka Guddoomiye Mursal, ayaa kusoo beegmay, iyadoo magaalada garoowe ay ka jirto xiisad ka dhaqaale oo sababtay mudaharaadyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xildhibaano, ayaa kusoo dhoweeyay guddoomiyaha gollaha shacabka Soomaaliya, garoonka diyaaraddaha garoowe.

Lama ogga ujeedada dhabta ah ee socdaalka guddoomiyaha, balse waxa hore usii joogay magaalada garoowe, guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomalaiya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda mucaaradka ee la baxay Midowga Murrashaxiinta.

Waxa jira warar qaar sheegaya in ay ka qayb-gelayaan kulan la filayo in lagu qabto magaalada garoowe oo lagaga hadlayo xaaladda cakiran ee Siyaasadeed iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka muranka weyni ka taagan yahay, kulankaa oo ay qabanayso xarunta magaceedu yahay Machadka Heritage.

 

Dhinaca kale, dadka maanta mudaharaadka rabshadaha watay ka sameeyay magaalada garoowe, ayaa ahaa boqolaal qof oo u badan haween iyo dhalinyaro, waxayna sheegeen inay cadhaysan yihiin diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ee maamulka Puntland joojiyay.

Qaar ka mid ah dadka mudaharaadyaasha ah, ayaa laamiyada magaalada ku gubay taayiro, halka qaar kalena ay dab sudheen boodhadhka sawirka madaxweyne Deni, iyagoo ku dhawaaqayay weedho ay ku muujinayaan dareenkooda oo ku qaylinaya , “Waxaan kasoo horjeednaa dhibaatada dhaqaale xumo ee ka dhalatay sicir bararka iyo lacagta shilinka Soomaaliga oo laga diiday isticmaalkeeda Puntland.”

Mudaharaadayaasha ayaa markii danbe ay Ciidamada amniga oo u adeegsaday rasaas ay xoog ku kale dareeriyeen, markii ay kala xidheen wadooyinka magaalada ee muhiimka ah, walaw aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadka.

Dhinaca kale, maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaan ka hadlin weli mudaharaadka ay shacabku ku muujiyeen dareenkooda, kaas oo ay ku kala dareeriyeen awoodda ciidanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post