X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Xarun Cusub Oo Loo Sameeyay Baarlamaanka Djibouti

Djibouti(ANN)Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka qaybgalay munaasibad loo sameeyay Dhisme cusub oo loo sameeyay Baarlamaanka Dalka Djibouti, kadib markii uu booqasho ku tegey caasimada dalka Djibouti.
Mr. Jawaari, wuxuu kulan la yeeshay dhigiisa Baarlamaanka Dalka Djibouti Mudane Idiris Arna’ud Cali, waxayna labada Guddoomiye ka wada hadleen xaalada labada Dal iyo iskaashiga ka dhexeeya Dawlada Djibouti iyo Somalia. Sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadleen iskaashiga Labada Baarlamaan ee dhinaca sharciyada.
Guddoomiye Jawaari, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ka qaybgalo munaasibada dhismaha cusub ee Baarlamaanka Djibouti, isagoo yidhi, “Farxadda Djibouti, waa farxad Soomaaliyeed, Haybadda Baarlamaanka Djibouti, waa haybad Soomaaliyeed” ayuu yidhi Guddomiye Jawaari, wuxuuna xusay in labada Dal ee Djibouti iyo Somalia yihiin dad walaalo ah oo wax baddan wadaaga, isla markaana qaybsanaya dhib iyo dheefba.
Sidoo kale Guddoomiye Jawaari, wuxuu amaanay dawlada Djibouti doorka ay ku leedahay dib u dhiska Somalia iyo sidii ay Dawlad iskeed u taagani uga dhalan lahayd, isla markaana ay hiil iyo hooba la garab taagantahay shacbiga iyo dawlad Soomaaliyeed oo caggeheeda ku taagan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post