X
    Categories: Warar

.Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Sanetka Soomaaliya Oo La Doortay

Araweelo News Network

Xildhibaan Cabdi Xaashi

Mogadishu(ANN)- Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa u doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare Xildhibaan cabdi xaashi oo helay 43 ka mdi ah codadka xubnaha Aqalka Sare oo ay codeeyeen 52-xubnood, halka xildhibaanka la tartamayay oo ahaa Mustafe Qodax uu helay sagaal cod oo keli ah.

Codeynta, ayaa saaka dhacday xarunta Aqalka sare ee Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo si ku meelgaadh ah ugu sii shaqaynaya Xarunta Aqalka Sare ee cusub oo ah dhismo dhowaan la dhisay oo loogu talagalay in Gabdhuhu ay ku bartaan farsamada Gacanta.


Sidoo kale, xildhibaan Abshir Maxamad Axmed, ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo loolan adag uu dhexmaray Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow oo ay isla gaadheen illaa wareegga seddaxaad, balse markii danbe guushu raaacday Xildhibaan Abshir Maxamad Axmed oo ku adkaaday inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare.

Xildhibaan Abshir ayaa helay 30 cod, halka Cabdi Axmed Dhuxulow uu helay 22 cod, iyadoo tirada codeynaysay ay ahaayeen 52 xildhibaan.

Gudoomiya ku xigeenka labaadna waxaa loo doortay xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28 cod, wuxuu ka guuleystay xildhibaan Cabdikafi Macalin Xasan oo helay 24 cod.


Dhowaan, ayaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenadiisa, waxaana la filayaa in loo gudbo doorashada Madaxweynaha oo ay u taagan yihiin murrashaxiin badan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post