Araweelo News Network

cirrolastHargeysa (ANN)- Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Xisbi mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa saaka ay ciidanka booliska ee saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay ka horjoogsdeen in uu booqdo Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Weriye Cali Mahdi Jirbiil oo ah Suxufi ka hawlgala Tv-ga Kalsan,kuwaas ku xidhan saldhiga dhaxe ee Hargeysa.

Musharax C/raxmaan Cirro iyo masuuliyiinta la socotay ayaa loo diidey in ay booqdaan labadaa maxbuus ee Xabisga ku xidhan, iyadoo ay ciidanka ilaalada saldhigo ka horr istageen guddoomiyaha iyo masuuliyiinta la soctay in ay fooda geliyaan saldhig, isla markaana ay booqdaan sarkaalka ka tirsan ee Xisbiga WADDANI iyo Weriyahaasi,iyadoo ay askrta saldhigu ay qoryo dhuunta kaga qabteen guddoomiyaha,sida uu warbaahinta u sheegay markaa kadib, isla markaana uu guddoomiye cirro dib uga noqday saldhiga.

“Marka hore waxaan canbaareynayaa xadhiga Muuniir oo ah sarkaal sare oo xisbiga ah oo aan xisbigana lala soo socodsiin xadhigiisana aanu u aragno sharci darro inuu yahay,hase’yeeshee arrinkaa umaan socon maantee waxaan u soconay inaanu soo booqano,kadinka dabada markaan joogay aniga iyo saraakiil badan oo xoghayaha guud kamid yahay oo xoghayaha cadaaladu kamid yahay waxa dhacday ciidankii halkaa jooga waxay yidhaahdeen amar baa nalagu siiyay inaan lagu soo dayn adoo gudoomiyihii baarlamaanka ah” ayuu yidhi gudoomiye Cirro

Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “ Waxa kale oo aad ka war qabtaan inaan murashax ahay una sharaxan madaxwaynenimo iy gudoomiye xisbi intaba askartii Meesha joogtay waxaan waydiiyay ma igaranysaan inaan ahay gudoomiyihii baarlamaanka,haa bay yidhaahdeen gudoomiye laakiin amar baan haysanaa intaa ka badana hadeer ma sheegi karno”sidaas ayuu yidhi gudoomiey Cirro

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Ciro ayaa sheegay in falkaas lagu kacay saak uu ahaa mid qaranimada ku xun “Waxay ila tahay arrintaasi inay tahay wax magac qaranimadana ku xun oo dawladnimadana ku xun oo madaxbanaanida axsaabta qaranka iyo xeerka qarankana ku xun oo sharci darro ah haduu amarkaasi jirey ciddii bixisayna waa og tahay,amarkaana waxaan u arkaa inuu yahay mid sharci darro ah anniga oo intaasoo xil ka haya qaranka” Ayuu yidhi Musharax C/raxmaan Cirro

sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeya, xabsiga dhigay qaar kamid saxafiyiin la socotay iyo weliba gaadhigii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI.