X
    Categories: Warar

Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiillada oo Sheegay Inay Warbixin Kasoo Saarayaan 27 Wasaaradood Oo Ay Baadhitaan ku Sameeyeen

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddi-hoosaadka Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay sida ugu degdegga badan dhawaan u soo saari doonaan warbixin ku saabsan natiijada baadhitaanno ay ku sameeyeen 27 wasaarado iyo hay’ado madaxbannaan oo ay ka kooban tahay xukuumadda talada haysaa.
Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Md. Maxamed Cali Xirsi, ayaa sheegay in kormeer iyo xog-ururin ay ku sameeyeen Wasaaradda Caafimaadka shalay ay gunnaanad u tahay baadhitaanno muddo dheer qaatay oo ay ku wadeen hay’adaha dawliga ah.
“Guddiga Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka in badan bay sugayeen shacabka iyo guud ahaan qaranku muddo sannad iyo badh ah oo aannu hawshan wadnay, markaa waxaan ugu bushaaraynayaa in kulankan aannu la yeelanay madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo kormeerka aannu ku samaynay cusbitaalladu uu noqon doono mid aannu ku soo xidhnay, isla markaana aannu iminka bilaabi doono sida ugu dhakhsaha badan soo bandhigista warbixinnadii 27 wasaarado iyo hay’adood oo Qaranka Somaliland ah wixii nooga soo baxay baadhitaannadoodii iyo wixii talooyin ah ee aannu hayno oo aannu shaacin doono maalinba mid ama dhawr hay’adood,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.
Waxa kaloo uu u mahadceliyey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka oo uu sheegay inay si fiican u soo dhaweeyeen, kalana shaqeeyeen kormeerka ay ku mareen xarunta wwasaaradda iyo cusbitaallada Hargeysa iyo ka carruurta iyo hooyada ee Maxamed Aaden Sheekh.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Md. Xasan Daahir Dhimbiil oo qaabilay, kuna wehelinayey kormeerkooda guddigan, ayaa isna sheegay in kulanka ay yeesheen Guddiga xildhibaannada ah oo ay waxyaabo badan iskaga waraysteen uu ahaa mid is afgarad iyo natiijo fiicani ka soo baxday.
“Xildhibaannadu wixii ay doonayeen iyo hawshii ay u socdeen waanu la garab qabanay, aannuna doonayno in wadashaqayn fiicani inay na dhexmarto, maadaama aannu ka wada tirsanahay hal qaran iyo hal dawlad keliya, isla markaana uu na wada xukumo oo na xadeeyo dastuur keliya,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post