X
    Categories: Warar

Guddiga Ictiraaf-raadinta Somaliland oo Kulamo la Yeeshay Baarlamanka Dalka Sweden

Araweelo News Network
Stockholm (ANN)Guddiga ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Sweden, ayaa kulamo la yeeshay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dalkaasi shalay si loo sii wado dadaallada lagu doonayo in aqoonsi loogu helo madaxbanaanida Somaliland.
Xubnaha guddiga ictiraaf-raadinka Somaliland oo uu wehelinayo xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kulamo ay la qaateen mudanayaal ku jira Baarlamanka Sweden oo ka kala tirsan xisbiyada siyaasadda ee dalkaasi waxay kaga wada xaajoodeen sidii looga midho-dhalin lahaa qorshe lagu horgeeyo Baarlamanka iyo dawladda Sweden oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.
Qaar ka mid ah guddiga ictiraaf-raadinta oo suxufi ka tirsan telefishanka Qaranka uga warramay kulamadaasi, ayaa sheegay in ay is arkeen ilaa toban xildhibaan oo ka kala socday afar xisbi siyaasadeed ee dalka Sweden, isla markaana ay natiijo fiicani uga soo baxday.
“Waxyaabaha aannu ka wadahadalnay xildhibaannada waxa ugu muhiimsanaa, kow; in aynu badsanno oo ay innagala shaqeeyaan xildhibaannada Baarlamanka Sweden ee aynu saaxiibka la nahay ee aynu qaddiyaddeena aaminsan, laba; waxay ballanqaadeen in ay ka hadli doonaan sababta Sweden mucaawadana ay siiso Somaliland ay ugu dariwayday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, saddex; waxaannu ka wadahadalnay sidii horumarin loogu samayn lahaa xafiiska Somaliland ee Sweden oo iyaga laftooduna ay xafiis uga furan lahaayeen magaalada Hargeysa. Waxa kaloo aannu ka dalbanay sidii ay dib-u-eegis ugu samayn lahaayeen ee ay u beddeli lahaa digniinta ay ku hayaan dadka u safraya Somaliland oo ay ka dhigeen meel aan la tagi karin.” Sidaa waxa yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama).
Waxa kaloo xildhibaanku bogaadiyey dadaalka iyo guulaha guddiga ictiraaf-raadinta ee Sweden sameeyeen muddo yar oo ay jireen, waxaannu yidhi, “Guddiyada ictiraaf-raadiska oo ah mid ku cusub dalka iyo Yurub, waxaannan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa guddiga ictiraaf-raadista ee Sweden oo aan qabo in ay horumar aad u ballaadhan gaadheen intii yarayd ee ay jireen, saddexdii ilaa afartii bilood ee u dambeeyey ilaa 11 jeer oo kala duwan ayaa wax laga waydiiyey Baarlamanka Sweden arrinta Somaliland, arrintaasi kamay dhicin Baarlamaannada Yurub oo dhan xataa ka Ingiriiska in muddo kooban xildhibaannadu dawladooda su’aalo ka waydiiyaan Somaliland.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post