X
    Categories: Warar

Guddiga Diiwaangelinta oo Taageeray Shirka UCID ee Faysal loogu doortay Murrashaxnimada Markii Saddexaad

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Siyaasadda, ayaa taageeray shirka xisbiga UCID ee Guddoomiye Faysal Cali-waraabe mar saddexaad loogu doortay murrashaxa jagada madaxweynenimo u matali doona xisbiga doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
Laba garab oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali-waraabe iyo murrashaxii Madaxweynaha ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa laba shir oo iska soo horjeeda hal maalin ku kala qabsaday caasimadda Hargeysa, iyadoo mid waliba ku dooday in kiisu sharci yahay.
Haseyeeshee, masuuliyiinta Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa shalay, ayaa shaaciyey in shirka uu qabsaday dhinaca Faysal Cali-waraabe uu yahay sharci.
Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Siyaasadda Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ina Ciyaale), ayaa sheegay in khilaafkii UCID soo gabogaboobay, “Khilaafkii xisbiga UCID ee muddada soo jiitamaysay, markaa waxaannu ummadda u caddaynaynaa in uu soo gabogaboobay arrinkaasi,” ayuu yidhi Ina Ciyaale.
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Diiwaangelinta ururrada Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin), ahna Afhayeenka guddiga, ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee dalku awoodda shirka xisbiga siisay hoggaankiisa, taasina tahay midda sharciga ka dhigtay, isla markaana aanay wax shaqo ah u ku lahayn guddigoodu.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Xukunkii Maxkamadda Sare ka gaadhay racfaankii dhinac ka mid ah xisbiga ka qaatay dacwaddii annaga soo gaadhay waa xukun kama dambays ah, cid wax ka beddeli karta go’aanka maxkamadda ma ma jirto, Maxkamaddu waxay go’aamisay in xisbiga UCID qabsado shir aan caadi ahayn muddo lixdan casho gudahood ah, shirkaas awooddiisa Maxkamaddu waxay gacanta u galisay hoggaanka xisbiga si dhammaystiran oo guddiyada qabanqaabada shirka uu marjac u yahay hoggaaka xisbigu oo wixii ay gaadhaan ama isku khilaafaan cidda ay ula noqonayaan tahay hoggaanka oo weliba go’aanka kama dambaysta ah leh. Sidaas darteed, shirka uu hoggaanku qabtay ayuun baa sharci ah, laba shirna ma jiraan ee waa hal shir oo ah kaa Faysal iyo xubnaha hoggaanku qabteen ayaa sax ah.”
Geesta kale, Kalfadhigii 6-aad Golaha Dhexe ee UCID oo ka qabsoomay Hargeysa maalin kadib shirweynaha aan caadiga ahayn ee Guddiga Diiwaangelintu xalaalaysay, ayaa lagu doortay Faysal Cali-waraabe inuu murrashaxa mar saddexaad xisbiga u matalaya tartanka jagada Madaxweynaha Somaliland ee doorashadiisu u qorshaysan tahay in la qabto dabayaaqada bisha March 2017.
Shirka oo ay fadhiyeen ergooyin tiradoodu dhamayd 133 xubnood, ayaa cod loo qaaday murrashaxnimada Faysal Cali-waraabe waxa ogolaadya 93 xubnood, waxaannu kaga guulaystay Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi Cabdi oo ka mid ah xildhibaannada golayaasha degaannada ugu jira UCID oo kula tartamay murrashaxa xisbiga.
Waxa kaloo shirkan golaha dhexe lagu doortay xubno ka mid ah hoggaanka UCID, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID oo noqday Siciid Cumar (Siciid UCID) iyo Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo loo doortay Maxamuud Cali Madoobe Jiir.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post