Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, ayaa farriin culus oo la xidhiidha Xeerka Bangiyada Ribada ah u diray xukuumadda talada haysa iyo Golaha Wakiillada Somaliland.
Xubnaha hoggaanka Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay Xeerka Bangiyada ku shaqeeya nidaamka Ribada, waxaanay baaq u direen dadweynaha iyo dawladda, gaar ahaan xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ee uu xeerkaasi horyaalo.
Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle, ayaa si ballaadhan uga hadlay dhibaatada uu leeyahay Xeerka Baananka Ganacsiga ku shaqeeya nidaamka Ribada ee horyaala Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo ay ku tilmaameen mid xaaraan ah oo haddii la ansixiyo keeni doontw cadho Alle iyo ciqaab adag.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaannu ugu baaqaynaa dawladdeenna ka talisa waddanka ee la yidhi waxay wadataa Bangiga Ribada ah, annagu waxaan idin gaadhsiinaynaa haddaad xukuumadda tihiin waxaannu idin leenahay innaga daaya waxa khilaafsan Ilaahay sharcigiisa, diinteenna, Kitaabka iyo Sunnada, waxaannu idinku raacaynaa wixii aad ku waafaqdeen shareecada, waxaannuna idinku diidaynaa waxaad ku khilaafteen diinta, idinku raacimayno wax Ilaahay lagu caasiyayo weliba wax Kitaabka Ilaahay ciqaab adag oo ah laba shay oo kala ah; Ribada iyo qofka Muslimka ah oo la dilo in labadaasi ku waarayaan Naarta. Markaa waxaannu leenahay innaga daaya bangiyada Ribada ah, 25 sanno ayeynu ku noolayn barwaaqo, bulshadda Somaliland ee Muslimiinta ah dantooda ayaa ka badan.
Cod iyo maqal ayaanu leenahay, waxaanu idin sheegaynaa dawladda haddaad tihiin Madaxweynaha waxaanu ognahay in aannu Xeerkan Ribada ah ogolayn oo aanu gacantiisa Khayrka qabta ku saxeexayn, laakiin niman kale ayaa arrintan wata ee waxaan idinka codsanaynaa waa markii saddexaad ee golaha la horkeeno ee in la joojiyo, haddii la doonayo cadho Ilaahay dhab innagu noqoto annagu beri baanu ka nahay Ilaahayow waanu diidanahay oo waanu ka soo horjeednaa.”
Waxa kaloo uu farriin baaq ah u diray xildhibaannada iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo ku eedeeyey in aanay ka soo bixin xilkii dastuuriga ahaa ee qaranku u igmaday.
“Waxaannu u sheegaynaa xildhibaannada Ilaahay ka cabsada waa la wada dhimanayaa, wallaahi maanta qofka gacanta u taaga ee xildhibaannada ka mid ah in bangigaa Ribada la keenaa wuxuu isku qirayaa ehelka Naarta yahay, annaguna Ilaahay waxaannu la hortagaynaa in ninkaasi uu bannaystay waxaan Ilaahay bannayn.
Qolada Baarlamanka joogta waxaan leeyahay xilkii la idiin igmaday ee dastuurka ku qornaa maydun gudan, 12 sanno ayaad fadhidaan, iminkana 2 sanno oo kale ayaa la idiinku daray, wax alla iyo waxaad ku dooran tihiin Ilaahay uun baa og, waxaannu leenahay Ilaahay ka cabsada, waxaan la hadlayaa Guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro iyo xildhibaannada, ilaashada magaciinna, diintiina iyo sharaftiinna oo naga daaya bangiyadan Ribada ah ee la soo yaacaysaan, haddaad naga daynwaydaan waxa dhab noqonaysa in la idin xallin doono oo aad ka tagi doontaan meesha si aad uga tagtaanba oo dad idinka khayr badani iman doonto,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Wanaag-faristu waxa uu ka hadlay falal lagu sixray dad kala duwan oo ku nool magaalooyinka waawayn ee Somaliland, waxaannu baaq u diray dadweynaha iyo dawladda, “Magaalooyinka beryahan waxa ku jiray argagax la leeyahay qof baa la taabtay oo la sixray, eeddu maaha dawladda ee waxaannu eedda u jeedinaynaa dadweynaha, waayo in ka badan soddon saaxir baa la qabtay, haddaad saaxirkii idinku qarsanaysaan oo la saaxiibteen oo wax la cunaysaan oo aad baabuurta ugu kirayseen inay ummadda ku boobaan annaga ha na eedayn, dawladdana ha eedayn, soo sheega saaxirka. Dawladdana waxaan ka codsanaynaa qofka saaxirka ah ee la qabto abaalkiisa mariya, Maamulka Puntland madaxa ayey ka toogtaan, haddaydaan tooganayn xabsi dheer oo ugu yaraan 25 sanno ah ku xukuma,” ayuu hadalkiisa raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland Sheekh Cawil Xuseen oo isaguna halka ka hadlay ayaa sharaxay aafadda ay leedahay jideynta ama cunista Xaaraanta Ribadu, isaga oo Xildhibaanada aqalka wakiillada Somaliland ugu nasteexeeyey waxay Diinta Islaamku ka qabto arrinta, waxaannu yidhi; “Intii Ribada magaceedu soo baxay waxaannu xusuusanahay waa intii abaaruhuba inoo yimaadeen, abaaraha gabigoodu dalka soo galeen oo Ribada saddexdii sanno ee la hadal hayey waa saddexdii abaaruhu ba inagu dhaceen, abaar horeba maynu qabin Ribada ka hor dee haddii Ribaduba intii ay timmi abaari timid haddii aynu sii qaadanana maxaa inagu dhici tollow dee waa la rogayaa meesha, waxaanay ku wareegaysaa Golaha Wakiillada Somaliland, haddii aanu anagu dadweynaha iyo ummadda ku dhex jirno dee dadkii Ribbo ma rabo qof kasta wuxuu leeyahay waar yaa naga qabta oo Illaahay yaqaana yaa naga la hadla oo way noo soo ashkatoonayaan ummaddii oo meeshayada ayey imanayaan, waxayna leeyihiin wanaag fariseey waxan ka hadla oo dawladda u sheega, marka Xildhibaanada arrinta u ololaynaaya ee leh arrin Diinta Islaamka ka soo hor jeeda oo umaddan dhan halako gelinaysa ayaanu sharciyeynaynaa ALLE ha ka baqaan.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Sheekh Maxamed Muuse oo ka mid ah Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, waxaannu yidhi; “Arrintan Baanka Ribada ah in loo codeeyo baarlamaanka laftiisu wuu ka hadlay xildhibaanada qaarna soo jeedin ay soo jeediyeen rag badani in loo codeeyo, arrintaasi walaalayaal if iyo aakhiroba hagar daamo ayey inagu tahay, waxaanay inagu tahay burbur baarlamaanka Somaliland-na waxa uu meesha u jooga oo shacabku u soo doortay waa golihii shacabka metelaayeye wixii ummaddan anfacaya if iyo aakhiroba inay waxa weeye ka shaqeeyaan Ilaahayna arrinta waa ku eegayaa, waxaannu Nebigeenu (CSW) yidhi “Dhammaantiin kuwa ummadda Masuuliyadda u qaadayoow ilaaliyayaal ayaad wada tihiin, Illaahayna wuxu idin waydiin doona wuxuu idiin diray.” Haddii ay shacabku marka wakiisheen Golihii Wakiillada idinka oo ah waxa weeye inay aakhiraddooda iyo maalkooda dadnimadooda iyo diintooda wax gubayaa uu hortooda maanta yaala, waa arrin aad iyo aad looga murugoodo oo fool xun, marka xildhibaanaddeena sharaf anaga oo u hayna waxaan leeyahay arrinta si duub duuba iskaga celiya diidana taas ayaa Illaahay raali idinkaga noqonayaa.”