X
    Categories: Warar

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Oo Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Qaran Iyo Taageerayaashooda Baaq U Diray

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista ee Somaliland, ayaa baaq ku waajahan habsami u socodka ololaha doorashadda madaxtooyadda ee saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ee ku hirdamaya taladda dalka ugu baaqay in laga dheeraado wax kasta oo amniga iyo dhaqanka Suuban ee Jamhuuriyadda Somaliland waxyeelaya in laga fogaado inta ay doorashaddu socoto.

Guddoomiyaha guddida wanaagfarista iyo Xumaan reebista ee Somaliladn Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle iyo xubna kale ee guddida wanaag farista, ayaa baaqa ay ka soo saareen, ololaha doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee saddexda xisbi qaran ku tartamayaan oo meel xaasaasi ah maraya, waxay kula taliyeen murashaxiinta, madaxda, siyaasiyiinta iyo taageerayaasha saddexda xisbi ee UCID, Waddani iyo Kulmiye inay ka dheeraadaan wax kasta oo hadalo xanaf leh ama bulshadda kala kaxaynaya ama amniga Somaliland dhibaato u keenaaya inay ka fogaadaan.

Baaqa guddida wanaag farista iyio xumaan reebista Somaliland ee saxaafadda ay soo gaadhsiiyeen ee ku waajahan habsami u socodka ololaha doorashadda iyo ilaalinta nabadgelyadda waxa lagu yidhi “Iyada oo guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland maalmihii la soo dhaafay wecyi galinaysay bulshada ku dhaqan Somaliland, taas oo ay ku wacyi-gelinaysay ilaalinta nabad-gelyada iyo edaabta suuban, haddaba Madaxda sar sare ee Guddiga Xumaan reebista iyo Wanaag farista iyo waliba xubnaha gudigaasi, waxa ay farriin wada jir ah u dirayaan Shacbiga reer Somaliland, Musharraxiinta u tartamaya Jagada Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Guddiga wanaag farista ayaa ku baaqay in laga dheeraado waxyaabaha ka horimanaya diinta iyo dhaqanka Suuban inta lagu gudo jiro ololaha doorashadda”

Waxa intaasi ay ku dartay guddidu “Ugu dambeyntii guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland waxay ilaahay uga baryayaan in doorashadda madaxtinimadda ee Somaliland ay ku dhamaato nabadgelyo iyo amni”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post