X
    Categories: Warar

Guddida Somaliland U Qaybisay Wadahadalka Somalia Oo Dalka Turkiga U Boqoolay Iyo Faah-faahinta Wasiirka Arrimaha Dibadda

Hargeysa(ANN)Guddiga jamhuuriyadda Somaliland u qaybisay wadahadalada u dhexeeya Somaliya, ayaa maanta u ambabaxay Dalka Turkiga oo la filayo in maalinta Axadda ee 1 March 2015, ay ka bilaabmaan wadahadaladii labada dhinac.

 

 

 

 

Guddida oo isugu jira Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo xubno ka tirsan golayaasha Baarlamaanka ee Wakiilada iyo Guurtida, wefdiga Somaliland uga qaybgelaya wadahadaladaas oo maanta ka anbabaxay madaarka Egal International ee Hargeysa, waxa ka warbixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay inay wefdi ka imanaya dhinaca Muqdishu maalmaha Axadda iyo Isniinta ee Todobaadkan ku kulmayaan dalka Turkiga.


“Waxan u baxaynaa Turkiga, waxaana ku wadahadalaynaa Laba waddan oo xuduudo mucayin ah leh, annagu ma hayno dadka ka imanaya Muqdisho kuwa ay yihiin Liiskooda, balse waxa aanu u wada hadlaynaa wixii isirkoodu ahaa Somaliland iyo wixii Isirkoodu ahaa Muqdisho oo ah laba dal oo xuduudo mucayin ah leh, sidaa awgeed shirku waa Somaliland iyo Somalia” ayuu yidhi, isagoo si dadban uga jawaabayay warar maalmihii u danbeeyay soo baxayay oo sheegayay in xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Somalia ku dartay guddida wadahadalka xubno asal ahaan kasoo jeeda Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi, wuxuu sheegay in hore labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia wadahadaladii soo socday ay jireen qodobo kasoo baxay, kuwaas oo sida uu xusay ay ahayd in la wada fuliyo waxyaabihii lagu heshiiyay, kuwaas oo sida uu sheegay ay ka mid yihiin arrimihii dhinaca Hawadda, isagoo yidhi, “waxa hore u jiray qodobo lagu heshiiyay oo labada Madaxweyne saxeexeen oo lagu heshiiyay in la fuliyo, waxaana arrimahaa ka mid ahaa qodobada heshiiskii dhinaca Hawadda, waxaa hadda nala socda wasiirkii Hawadda Somaliland iyo la taliyihii wasaaradda, iyagana dhinacooda waxa ka imanaya wasiirka hawadda.”

Mr. Biixi, wuxuu sheegay inay rajaynayaan in wadahadalada ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo saamaynaysa madaxbanaanida JSL, balse muu sharxin nooca ay tahay natiijaddaasi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post