X
    Categories: Warar

Guddida Qabanqaabada Shir-weynaha Lixaad Ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo La Shaaciyay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Shirweynaha lixaad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa la filayaa inuu caasimadda Hargeysa ka qabsoomo 30 December 2017 oo ku beegan maalinta Sabtida inagu soo fool leh.

Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) , kaas  uu ku magacaabay guddi qabanqaabo oo ka kooban lix xubnood, kuwaasoo ka shaqayn doona hawlaha diyaarinta shirka lixaad ee Ururka SOLJA.
Waxaannu qoraalkaas oo faahfaahsan u dhignaa sidan;
“Ujeeddo: Magacaabis xubnaha guddida qaban qaabadda shirweynaha lixaad ee Ururka SOLJA
Ku: Hoggaanka sare ee SOLJA
Aniga oo tix-raacaya Dastuurka ururka SOLJA, qoddobkiisa 13aad oo waajibanaya soo xulista xubnaha qabanqaabada shirweynaha lixaad ee ururka, isla markaana innagu wajibanaya qabashada shirweynaha caadiga ah oo saddexdii sannaba hal mar ururku qabsado.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Liiska xubnaha guddida qabanqaabada oo kala ah:-
1. Maxamed Aw Aadan
2. Barkhad Maxamuud Kaariye
3. Sahra Cabdiwahaab
4. Mawliid Maxamed Shaqale
5. Cabdifataax Mursal
6. Saynab Maxamed Cabdi
7. Maxamed Maxamuud Ilkacase
Sidaasi daraadeed; waxa xubnaha hoggaanka sare ee Ururka SOLJA ka codsanayaa inay ogolaadaan inay toddobadaas xubnood noqdaan guddida qabanqaabada shirweynaha lixaad ee Ururka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post