X
    Categories: Warar

Guddida Loo Magcaabay Mushkilada Sixir Bararka Oo La Kulantay Masuuliyiinta Shirkada Isgaadhsiinta Telesom

Muuqaalka kulanka Guddida iyo Masuuliyiinta Telesom

Hargeysa(ANN)Guddi uu dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xalinta mushkilada sixir barabra ku habsaday dalka, isla markaana saamaynta ku yeeshay nolosha inta baddan Bulshada Somaliland ee danyarta ah, ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Masuuliyiinta sare ee shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM.

Kulankaa ayaan si dhab ah loo ogayn qodobada lagaga hadlay ee lagu faaqiday, iyadoo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, balse markii uu dhamaaday kulankaa oo ka dhacay galabta qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa qoraal kooban oo warbaahinta loo qaybiyay si guud loogu sheegay in Guddida iyo masuuliyiinta shirkada Telesom ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa mushkilada sixir bararka.

Muuqaalka kulanka Guddida iyo Masuuliyiinta Telesom

Qoraalka kulankaa kadib kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-
“Gudidii uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xilsaaray inay soo baadho kana soo tallo bixiso sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa la kulmay Madaxda sarsare ee Shirkada Isgaadhsiinta TELESOM, kulankan oo ka qabsoomay Qasriga madaxtooyada ayaa qaatay saacado dhawra.

Muuqaalka kulanka Guddida iyo Masuuliyiinta Telesom

Shirkan ayaa la xidhiidha ama daba socda shirar dhawra oo gudidu hore ula yeelatay Sariflayaasha iyo dad ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha iyo sicirka lacagta, iyagoo halkaa ka sii wadi doona shirar kala duwan oo ay gudidu la yeelan doonto cid kasta oo ay u arkaan in ay fikrado iyo talooyin la xidhiidha sidii loo soo afjari lahaa sicir bararka dalka ka jira, ujeedadii loo aas aasay gudiduna ay ahayd inay xal-waara ka keenaan arrimahaa saameeyey bulshada qaybeheeda kala duwan.

Kulankan galabta ayaa ahaa mid lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha doorka sicir bararka iyo aragtida shirkada TELESOM ay ka qabto sidii lagu xalin lahaa ama lagu soo af-meeri lahaa, laguna soo dabaali lahaa sarifka lacagaha qalaad halkii uu hore uga kacay iyo in laga hoos marin karaba.

Waxaanu kulankani noqday mid ku soo dhamaaday talo iyo tusaale la isla gorfeeyey loona balamay in meel looga soo wada jeedo wax kasta oo suuragal ka dhigaya hoos u dhiga sicirka lacagaha qalaad.

Ugu danbayn waxa halkaasi ku soo xidhmay kulankii ay u dhamaayeen gudidii madaxweynuhu u xilsaaray arrimaha sicir bararka oo uu gudoominaayey madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madaxweynuhu u wakiishay inuu gudoomiye u noqdo gudida iyo madaxda sarsare ee shirkada TELESOM.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qiimaha lacagta dollarka, ayaa gaadhay maalmihii u danbeeyay halkii u saraysay taariikhda intii Somaliland jirtay, waxaana qiimaha halka dollar gaadhay 8,000 S.Sh, halkii uu ka ahaa inta u dhaxaysa 7,000 S/L Sh – 6,500 S/L Sh, taas oo saamayn weyn ku yeelatay nolosha Bulshada Somaliland oo ah Bulsho danyar ah, isla markaana waxay arrintani saamayn ku yeelatay Quutal-daruuriga iyo badeecaddaha suuqyada ganacsiga Somaliland.

Shirkadda Telesom oo ah shirkadda ugu weyn dhinaca Isgaadhsiinta, ayaa ka mid ah shirkaddaha tirada yar ee ran-gareeya dhaqaalaha dalka, waxayna bixisaa adeega Mobile Money tarasfer ee lacagaha laysugu diro ee ZAAD.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post