X
    Categories: Warar

Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Oo Kulan Is Xogwaraysi Ah Yeeshay

Araweelo News Network

Hargaysa (ANN) Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, ayaa maanta yeeshay kulan is xogwaraysi ah oo ay yeedhmada kulankaasi lahaayen Gudigaasi joogtada ah ee Golaha Wakiiladu, kulankan oo ahaa mid Albaabadu u xidhan yihiin, ayaa lagaga wada hadlay Shaqada ay Qaranka u hayso Wasaaradu, iyo wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland Iyo Somaliya ee dhinaca Hawada, kulankan markii uu soo dhamaaday, waxaa si wada jir ah Saxaafada ula hadlay, Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ku hadlaayey afka Gudhigaasi iyo Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe.


Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo faahfaahin ka bixinaya, wixii laga wada hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “ waxyaalaha aanu ka waraysanay waxaa ka mid ahaa, shaqooyinka ay u hayaan Qaranka ee ay masuulka ka yihiin, dhinacyo badan ayaanu wax ka waydiinay, oo waraysi kala yeelanay, qaarkoodna ay tahay in aanu saxaafada u bandhigno, qaarkoodna aanan u bandhigayn, runtii wakhti dheer ayaanu isla qaadanay, oo dood dheeri na dhex martay, oo ku saabsan Madaarada iyo sida ay u shaqeeyaan guud ahaan wadanka, iyo xaaladahooda iyo arimo farabadan ayaanu iska waraysnay, suaalo badan ayey Xildhibaanadu ka weydiiyen, iyaguna suaalahaas ayey ka jawaaben Wasiiradu, wanaanu u mahad naqaynaa anaga ayaana u yeedhnay.”

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Adan oo faahfaahin ka bixiyey ujeedka kulankan ayaa yidhi:- waayaha iyo duruufaha ku xeeran Wasaarada aan gadhwadeenka ka ahay aniga iyo Wasiirudawluhu, waxyaalo badan ayaanu ka wada hadalnay runtii oo Wasaarada ku taxaluqa, Shaqadeeda, Madaarada, Hawlaha Hawada Sare Somalilad, iyo dabcan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ka dhaxeeyay ee Hawada sare, Arimaha Mustaqbalka dhaw soo socda ee ay ku talo jirto Xukuumadu ee ay doonayso in ay wax kaga qabato, in aynu la macaamilno aduunka, oo aynu noqono Dal u furan, waxyaalahaas oo dhan waanu ka wada hadalnay, runtii faham wanaagsan banu ka gaadhnay, oo xogwaraysi ah, wanaan uga mahad celinayaa runtii sida qiimaha leh ee milgaha leh, aqoontu ku dheehnayad ee aanu isu xogogaal waraysanay.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post