X

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo ka Digay Xadhiga Murrashaxiinta

Araweelo News Network.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Image File Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka digay in la xidho murrashaxiinta u tartamaya doorashooyinka gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee dalka, kuwaas oo noqonaya xubnaha  ay shaaciyeen liisaskooda rasmiga ah.

 

Guddida doorashooyinku waxay sidaa ku sheegen qoraal saxaafadeed kooban oo ay ku wargeliyeen hay’addaha amniga in ay dhawraan sharciga, isla markaana aan la xidhin murrashaxiinta xisbiyada ee ay  ku caddeeyeen Liisaskii Komishanku baahiyey ee Gollayaasha Wakiillada iyo Degaanada dalka.

 

Murrashaxiinta la shaaciyay waxay leeyihiin Xasaanad Sharci, taasoo KDQ uu farayo hay’addaha ay khusayso inay si buuxda u tixgaliyaan. Sidaa awgeed waxa Kommishanku uu si buuxda u caddaynayaa dhawrsanaanta sharciga iyo Xeerka Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr.91/2020, in uu siinayo Murrashaxiinta rasmiga ah muddada ay ku jiraan Hawlaha Doorashada.”

 

Sidaas daraadeed, waxa uu Kommishanku si rasmiya ugu gudbiyey hay’addaha ay khusayso sida ay muhiimka u tahay tixgelinta xuquuqaha Xeerku jideeyey, ayay Kommishanka qaranku ku yidhaahdeen war saxaafadeed kooban oo ay kaga hadlayaan dhacdooyinka soo noq noqday ee hay’addaha amnigu ku xidhayaan qaar ka mid ah murrashaxiinta buuxiyay shuruudaha xeerku jideeyay ee u taagan in ay u tartamaan doorashooyinka gollaha wakiillada iyo gollayaasha deegaanka dalka 31 May 2021.

Ataweelo News Network.

info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post