X

Guddida Doorashooyinka Oo Taxay Shuruuddaha Ku Xidhan Murrashaxiinta Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

Farriinta Kommishanka doorashooyinka ee shuruuddaha murrashaxiinta u tartamaya doorashooyinka Wakiillada iyo golayaasha deegaanka Somaliland Image File Araweelo News Network 20 Feb 2021.

Araweelo News Network.

#Somaliland:@Guddida Doorashooyinka Oo Taxay Shuruuddaha Ku Xidhan Murrashaxiinta Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

#Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka #Somaliland ee (NEC), ayaa shaaciyay shuruuddaha looga baahan yahay murrashaxiinta u tartamaya doorashooyinka Wakiillada iyo Gollayaasha deegaanka dalka ee loo qorsheeyay in ay dalka ka qabsoomaan 31 May 2021,

Shaacinta guddida doorashooyinka ee shuuraddaha laga doonayo murrashaxiinta saddexda xisibi qaran uga tartamaya doorashooyinka, ayaa la shaaciyay, iyadoo muddo 100 maalmood ah ka hadheen xiliiga loo dareerayo doorashooyinka.

 

Shuruuddaha guddida doorashooyinku shaaciyeen oo la doonayo in ay raacaan murrashaxiinta saddexda Xisbi oo waafaqsan xeerka doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiillada Somaliland iyo dastuurka dalka, ayaa u dhignaa sidan:-

 

 Shuruuddaha looga baahan yahay murrashaxa gollaha wakiillada Somaliland

Marka hore Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabba inay u tartamaan gollaha wakiilllada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.

Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada

Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.

Caddayn in aanay dadiisu ka yarayn 35-sannadood.

Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan u gudan karo xilkiisa

Shahaado dugsi sarre ah

Warqada danbi la’aanta

Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqaalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.

Caddayn ah in uu bixiyay 40 millyan oo Somaliland Shilin ah, oo deebaaji ah isla markaana aan celis lahayn, laguna bixiyo xafiiska cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda.

In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka

Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashada, isla markaana caddeeyaana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.

Murrashaxa sku soo sharaxay gollaha wakiillada amma gollaha degaanka, waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta

Shuruuddaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka ee Somaliland

 Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan ee doonaya  inay u tartamaan gollaha wakiilllada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.

Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada.

Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.

Caddayn in aanay da’diisu ka yarayn 30-sano.

Waraaqda danbi la’aanta.

Shahaado jaamacadeed, heerka koobaad ee degree, ah

murrashaxiinta  degmooyinka

Darajada A, murashixiinta derajada B iyo C na caddayn saddex sano ah ayaa looga baahan yahay.

Caddayn cashuur bixiye inuu ka yahay degmada uu ka sharaxan yahay

Hanti mood ama nool, oo uu ku leeyahay degmada uu ka sharaxan yahay

Waa inuu keeno warqad caddaynaysa inuu bixiyay shan iyo toban milyan oo Somaliland shilin ah,

Degmooyinka derajada A, 7-milyan, derajada B iyo C 4-milyan.

Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqaalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.

Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan ugudan karo xilkiisa

In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka

Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashada, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.

Murrashaxa isku soo sharaxay gollaha degaanku amma wakiiladdu waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta.” ayaa lagu yidhi, shuruudaha  ku xidhan tartamayaasha ee ay shaaciyeen guddida doorashooyinka Somaliland 20 Febeury 2021.

Shuruuddaha oo cod iyo muuqaal ah halkan ka Daawo.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post