X

Guddida Doorashooyinka Oo Shaaciyay Bilawga Bixinta Kaadhadhka Ee Saddex Gobol

Chairman of the Somaliland National Electoral Commission, Abdirashid Mohamud Ali (aka Riyaraac)I Image File Araweelo news Network.

Araweelo News Network.

 

Hawl-wadeenda Goobbaha Ayaa La kala Diray, waxaan Farriin loo Diray Bulshadda

Somaliland, Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee NEC, ayaa shaaciyay in ay Gobollada Togdheer, Awdal iyo Maroodi-jeex ka bilaabayaan hawsha qaybinta kaadhadhka doorashooyinka ee muwaadiniinta.

Sidaana waxa shaaaciyay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabirashiid Riyo-raac), oo maanta warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay  in saddexdaa gobo lee Awdal, Togdheer iyo Maroodi-jeex si rasmi ah looga bilaabi doono bixinta kaadhdhadhka codbixiyayaasha is diiwaan geliyay 31 March oo ku beegan maalinta Arbacada.

 

Guddoomiye Cabdirashiid, ayaa sidoo kale sheegay in ay hawshaa  u qorsheeyeen muddo saddex maalmood ah oo hawl-wadeenada Kommishanku diyaar ugu noqonayaan muwaadiniinta goobaha laga qaadanayo Kaadhadhka ee saddexdaa gobol, iyadoo laga qaadan doono dhammaan goobahii hore ay muwaadiniintu isaga diiwan galiyeen.

 

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Doorashooyinka, ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka codaynta ee doorashooyinka, isla markaana ka faa’iidaystaan fursada ay haystaan ee muddada loo cayimay qaadashada kaadhadhka.

Wuxuuna dadka ku wargeilayay in ay raacaan tilmaamaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee xakamaynta xannuunka Covid-19, kaas oo kusoo batay Somaliland iyo dalalka geeska Afrika, wuxuuna ku adkeeyay dadka in ay si feejigan u gutaan waajibkooda oo marka ay imanayaan goobaha ay ka qaadanaayan kaadhadhka kala fogaadaan, isla markaana xidhtaan Gafuur-xidhka si loo dhawro caafimaadka Bulshada iyo ta qoyskaba.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranaka Somaliland, Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Ciidamada qaranka, Jaamacadaha, Beesha caalamka iyo guud ahaan shacabka Somaliland oo ku ammaanay sida ay ula shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka qaranka ee ku hawlan diyaargarawga doorashooyinka.

Guddida doorashooyinku waxa ay maanta kala direen hawl-wadeennada, gaadiidka iyo Agabka hawsha qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha ee gobollada Awdal, Togdheer iyo Maroodijeex, si looga bilaabo hawshaa maalinta Arbacada goobihii hore ee diiwangelinta laga sameeyay.

 

Araweelo News Network

E: Mail info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post