X

Guddida Doorashooyinka Kooxda La Baxday Gollaha Murrashaxiinta Oo Ku Baaqay Shir Ay Iclaamiyeen Jubbaland Iyo Puntland

Araweelo News Network.

Guddida Doorashooyinka Kooxda La Baxday Gollaha Murrashaxiinta Oo Ku Baaqay Shir Ay Iclaamiyeen Jubbaland Iyo Puntland

Muqdisho(ANN)-Kooxda la baxday guddida doorashooyinka ee Murrashaxiinta Muqdisho, ayaa kulan ay Galabta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kasoo saaray go’aamo la xidhiidha xaaladda qalafsan ee muranka.

Guddida la baxay badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 oo ah kooxda Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay kasoo saareen Saddex qodob oo ku waajahan xaaladda is mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

 

Guddida ayaa soo dhaweeyay Mawqifka Madexweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mawqifka Madexweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), iyo go’aanka uu la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, kaas  oo ah in Shir Magaalada Muqdisho ay isugu yimaadaan dawladda xilligeedu dhammaaday ee Federaalka  iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda dhexe, sidoo kale Midowga Murrashaxiinta iyo Ururada bulshada rayidka ah.

Shirkaa, waxay sheegeen in uu yahay mid  lagu xalinayo si kama dambays ah saddexdii qodob ee la isku hayay oo kala ahaa.

1: Bedelida xubnaha guddida doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.

2- Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland.

3- Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.

Qodobadaa ayay sheegeen im ay yihiin kuwa la doonayo in xal kama danbays ah laga gaadho.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post