Araweelo News Network.
Guddida Doorashooyinka Kooxda La Baxday Gollaha Murrashaxiinta Oo Ku Baaqay Shir Ay Iclaamiyeen Jubbaland Iyo Puntland
Muqdisho(ANN)-Kooxda la baxday guddida doorashooyinka ee Murrashaxiinta Muqdisho, ayaa kulan ay Galabta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kasoo saaray go’aamo la xidhiidha xaaladda qalafsan ee muranka.
Guddida la baxay badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 oo ah kooxda Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay kasoo saareen Saddex qodob oo ku waajahan xaaladda is mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Guddida ayaa soo dhaweeyay Mawqifka Madexweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mawqifka Madexweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), iyo go’aanka uu la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, kaas oo ah in Shir Magaalada Muqdisho ay isugu yimaadaan dawladda xilligeedu dhammaaday ee Federaalka iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda dhexe, sidoo kale Midowga Murrashaxiinta iyo Ururada bulshada rayidka ah.
Shirkaa, waxay sheegeen in uu yahay mid lagu xalinayo si kama dambays ah saddexdii qodob ee la isku hayay oo kala ahaa.
1: Bedelida xubnaha guddida doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.
2- Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland.
3- Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.
Qodobadaa ayay sheegeen im ay yihiin kuwa la doonayo in xal kama danbays ah laga gaadho.