X
    Categories: Warar

Guddida Diiwaangelinta oo ka Dalbay Faysal Cali-waraabe inuu Faahfaahin ka Bixiyo Warqad uu Xilal ku Magacaabay

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka dalbay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe inuu faahfaahin ka bixiyo sharcinimada warqad xilal kala duwan loogu magaacay sagaal xubnood oo ka tirsan xisbigiisa Khamiistii toddobaadkan.
Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle), laguna socodsiiyey Eng. Faysal Cali-waraabe oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay xalay, waxa uu u qornaa sidan:
“Waxa Guddidu kaa dalbanaysaa in aad soo caddayso warqadda summaddeedu tahay REF/UCID/XDH/128/2016, kuna taariikhaysan 05/05/2016 inay warqaddaasi xafiiskiina si sharci ah uga soo baxday, warqaddaas oo ku saabsan magaacis xilal.
Waxa mar labaad la idin farayaa in aad kaga soo jawaabtaan si dhaqso ah si ay guddidu ugu go’aan qaadato,” ayuu yidhi Guddoomiye Ciyaalle.
Guddida Diwaangelinta, ayaa qoraal hore oo ay soo saareen kaga dalbaday labada garab ee xisbiga UCID inay joojiyaan wax kasta oo sii hurin kara khilaafkooda inta Guddidu go’aan ka soo saarayso dacwad ay gudbiyeen garabka murrashax Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID, taasoo ka dhan ah Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, iyadoo xilalkan cusub ee la magacaabay loo arkayo inay yihiin waxyaabo khilaafka sii hurinaya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post