Araweelo News Network

xildhibansanweyne
Hargeysa (ANN)- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray go’aanno iyo talo soo jeedimo khuseeya miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2017 oo hadda hortaal golahadooda, kadib markii Wasaaradda Maaliyaddu u soo gudbisay 26 December 2016.
Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Md. Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne) oo warbixin khusaysa Miisaaniyadda 2017 ka hor akhriyey fadhigii golahooda, waxa uu sheegay in guddidoodu go’aamiyeen in dhaqaale miisaaniyadda ugu jira hay’ado madaxbannaan iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada la hoos geeyo Wasaaradaha dawladda ee shaqo ahaan hoos tagaan.
Talo soo jeedimaha iyo go’aannada Guddida Dhaqaalahu u gudbiyeen Golaha Wakiillada, waxay u qornaayeen sidan;
Talo soo jeedinta Guddida:
Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga marka aragtay, soona deristay Odorska Miisaaniyadda Qaranka ee 2017, isla markaana kulamo kala duwan la yeelatey qeybaha aan sare ku soo xusnay, waxay soo jeedinaysaa qodobadan hoos ku xusan:-
1. In dhammaan ceelasha laga qodayo dalka la hoos geeyo Wasaaradda Khayraadka Biyaha.
2. In ay Guddida Dhaqaalahu ku daba-gasho lacagaha ay World Bank ku caawinayaan Golaha Wakiillada, Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ee kala duwan Somaliland.
3. In cid walba oo qaadatay mashaariicda qodista riigaga lagu dabagalo, lagulana xisaabtamo.
4. In Wasaarad waliba soo gudbiso Deeqaha ay ka helaan Hay’addaha, laguna daro Miisaaniyadda Qaranka.
Go’aanada Guddida:-
Guddidu waxay Go’aan Guddi ku gaadhay qodobadan soo socda:-
1. In lacagta loogu talogalay Laabka (Mishiinka Shaybaadhka) ee ku jirta Wasaaradda Caafimadka lacagtaas oo dhan 4,800,000,000 SLSh lagu wareejiyo Hay’adda Illaalinta Tayada (Quality Control).
2. In Lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Ururka Saxaafadda SOLJA, lacagtaas oo dhan 300,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Warfaafinta iyadoo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabadka iyo Maaliyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista lacagtaas oo dhan 700,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, iyada oo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabaadka iyo Maaliyadda Qaranka
4. In lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Daladda Dhallinyarada SONYO lacagtaas oo dhan 300,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyada oo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabaadka iyo Maaliyadda Qaranka Somaliland.
5. In lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Daladda Naafada Qaranka lacagtaas oo dhan 400,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyada oo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabaadka iyo Maaliyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In lacagta kaalmada ah ee la siiyo Ururka Dhakhaatirta lacagtaas oo dhan 300,000,000 SLSH lagu wareejiyo taakulada Gurmadka abaaraha.
7. In Lacag dhan 900,000,000 (Sagaal boqol oo Milyan) loo qoondeeyo Iskuulka Farsamada Gacanta ee Hal-door, lacagtaasna laga jarayo Kharashka basaaboorka laga qaado.”
Waxa kaloo ay guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu si faahfaahsan uga warbixiyeen waxyaabaha ay xambaarsan tahay miisaaniyadda 2017 iyo meelaha ay kormeerka ku sameeyeen si ay xog dheeraad ah uga helaan odoroska miisaaniyadda.
“Guddidu iyadoo ka dheregsan xaaladaha guud ahaan dalka, isla markaana kormeero kala duwan ku soo maray gobollada dalka, ilaha dakhli soo saar iyo masuuliyiintoodaba, soona dersay sida ay shaqada qaranku uga socoto iyo dedaalada ay Wasaaradda Maaliyaddu ka wado..
Waxaa intaa weheliya, in ay Guddidu safaro shaqo ku tagtay goobaha dakhligu ka soo xaroodo ee dalka si ay u soo indha-indhayso, una hubiso hawshu sida ay u socoto iyo dakhliga ay soo xareeyan.
Waxayna Guddidu socod dheer ku martay goobaha dakhliga dalka sida Dekadda Berbera, Kastamka Dekedada Berbera, Kastamka Kalabaydh, Kastamka Wajaale iyo Magaalada Gabiley.
Guddidu waxay kulamo kala gedisan la yeelatay Masuuliyiintan hoos ku qoran:-
1. Maareeyaha Dekedda Berbera.
2. Maamulaha kastamada Berbera.
3. Badhasaabka Gobolka Saaxil.
4. Isu-duwayaasha Gobolka Saaxil.
5. Maamulaha kastamada Kalabaydh
6. Maamulaha kastamada Wajaale.
7. Golaha Degaanka Gobolka Gebilay.
.Shaxda Miisaaniyad-sannadeedka 2017ka:-
Odoroska Miisaaniyaddeed ee sannada 2017 waxay ka kooban tahay:-
1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe.
2. Miisaaniyadda Hay’addaha Madaxabannaan ee Dawladda.
3. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose.
4. Miisaaniyadda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadammada Qaadhaan-bixiyayashu (Somaliland Development fund).
5. Miisaaniyadda Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladda Hoose (JPLG).
Mudaneyaal, Miisaaniyadani waa Miisaaniyaddii 25aad ee Qaranka Somaliland yeesho, waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay tii 2016 27.5% (Boqolkiiba toddoba iyo laabatan iyo badh).
Marka lo eego Miisaaniyaddii 2010kii waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay 401% (Boqolkiiba afar boqol iyo kow).
Guud ahaan Dakhliga Miisaaniyadda 2017 wuxuu ka kooban yahay 2,175,104,355,662, una dhiganta Doolar ahaan $362,517,393 tafaasiisheeduna waxay tahay sidatan:-
Dakhliga Miisaaniyadda 2017
No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 $258,867,337
2 Hay’adaha Madaxabannaan 303,338,532,125 $50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 $34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,861,212,000 $16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul-daadejinta 12,722,892,000 $2,120,482
Grand Total 2,175,104,355,662 $362,517,393.
Faahfaahinta Dakhliga Miisaaniyadda 2017:
No. Wakaalada/Hay’ada Budget 2017 Dollar

2 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 $34,761,725
3 Dekedda Berbera 200,891,841,500 $33,761,974
4 Baanka Dhexe 29,965,644,952 $4,994,274
5 Wakaaladda Biyaha Gebilay 2,122,323,000 $353,721
6 Wakaaladda Biyaha Hargeisa 25,719,277,055 $4,2$86,546
7 Wakaaladda Biyaha Burco 11,218,141,645 $1,869,690
8 Madbacadda Qaranka 4,747,807,513 $791,301
9 Wasaaradda Duulista 3,085,200,000 $514,200
10 Wakaaladda Biyaha Berbera 6,325,324,600 $1,054,221
11 Wakaaladda Laydhka Berbera 12,373,771,860 $2,062,295
12 Wakaaladda Biyaha Boorama 6,889,200,000 $1,148,200
13 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,861,212,000 $16,211,427
14 Dakhliga Mashruuca Maamul-daadejinta 12,722,892,000 $2,120,482
Grand Total 2,175,104,355,662 $362,517,393

Korodhka Kharashka Miisaaniyadda 2017:-
Mudaneyaal, Miisaaniyadda 2017 waxay kaga duwaan tahay Miisaniyaddihii hore in ay Xooga saarayso Qodobadan hoos ku qoran:-
• Qalabka iyo Saannada Ciidammada Dalka ee kala duwan.
• Kharashka Doorashooyinka iyo Kaadh beddelka.
• Korodhinta Mushahaarooyinka Shaqaalaha iyo Ciidammada dalka 10%
• Korodhka Miisaaniyadda Ictiraaf-raadinta.
• Kharashka Ciidammada illaalada Shidaalka.
• Kharashka Gurmadka Abaaraha.
• Kharashka Mashruuca Dhiraynta Deegaanka.
• Dhiska iyo dayactirka waddooyinka dalka.
• Dhismaha Guriga Martida Boorama
• Dhismaha MCH-yada uu Madaxweynuhu dhagax-dhigay.
• Dhismaha Goobaha Dab-damiska ee Boorama, Burco iyo Wajaale.
• Dhismayaasha Garoonka Shulaac Stadium, Guryaha Macallimiinta, Goobaha Kalluumaysiga, Libarariga Boorama, Libraryga Berbera.
• Dhismayaasha Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda.
• Dhismaha Xarunta Gobolka ee Burco.
• Dayactirka garoonka Kubbada Kolayga ee Timacadde.
• Daryeelka iyo Dib-u-dhiska Iskuulada dalka.
• Iibsiga Qalabada Caafimadka, gaadiidka iyo qalabka Xafiisyadda Wasaaraddaha.
• Kaalmooyinka Agoomaha, Madxafka Saryan, Ururka Dhakhatiirta, iyo Kaalmada Dalladda Dhallinyarada ee SONYO.
• Mashruuca Xanaannada Xoolaha,” ayey Guddida Dhaqaaluhu ku yidhaahdeen warbixintooda ay Golaha Wakiillada ka hor akhriyeen shalay.
Guddida Dhaqaalaha oo u Gudbiyey Golaha Wakiillada Go’aanno Khuseeya Miisaaniyadda 2017
Go’aanno Guddida Dhaqaaluhu ka gaadheen lacagaha miisaaniyadda ugu jira Dalladda Naafadda, Ururka SOLJA, Guddida Wanaag-farista, dalladda SONYO, ururka Dhakhaatiirta

• In ay Guddida Dhaqaalahu ku daba-gasho lacagaha ay World Bank ku caawinayaan Golaha Wakiillada, Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda Somaliland
• In cid walba oo qaadatay mashaariicda qodista riigaga lagu dabagalo, lagulana xisaabtamo.
• In Wasaarad walba soo gudbiso deeqaha ay ka helaan Hay’addaha, laguna daro Miisaaniyadda Qaranka

Hargeysa (Jam)- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray go’aanno iyo talo soo jeedimo khuseeya miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2017 oo hadda hortaal golahadooda, kadib markii Wasaaradda Maaliyaddu u soo gudbisay 26 December 2016.
Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Md. Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne) oo warbixin khusaysa Miisaaniyadda 2017 ka hor akhriyey fadhigii golahooda ee shalay, waxa uu sheegay in guddidoodu go’aamiyeen in dhaqaale miisaaniyadda ugu jira hay’ado madaxbannaan iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada la hoos geeyo Wasaaradaha dawladda ee shaqo ahaan hoos tagaan.
Talo soo jeedimaha iyo go’aannada Guddida Dhaqaalahu u gudbiyeen Golaha Wakiillada, waxay u qornaayeen sidan;
Talo soo jeedinta Guddida:
Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga marka aragtay, soona deristay Odorska Miisaaniyadda Qaranka ee 2017, isla markaana kulamo kala duwan la yeelatey qeybaha aan sare ku soo xusnay, waxay soo jeedinaysaa qodobadan hoos ku xusan:-
1. In dhammaan ceelasha laga qodayo dalka la hoos geeyo Wasaaradda Khayraadka Biyaha.
2. In ay Guddida Dhaqaalahu ku daba-gasho lacagaha ay World Bank ku caawinayaan Golaha Wakiillada, Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ee kala duwan Somaliland.
3. In cid walba oo qaadatay mashaariicda qodista riigaga lagu dabagalo, lagulana xisaabtamo.
4. In Wasaarad waliba soo gudbiso Deeqaha ay ka helaan Hay’addaha, laguna daro Miisaaniyadda Qaranka.
Go’aanada Guddida:-
Guddidu waxay Go’aan Guddi ku gaadhay qodobadan soo socda:-
1. In lacagta loogu talogalay Laabka (Mishiinka Shaybaadhka) ee ku jirta Wasaaradda Caafimadka lacagtaas oo dhan 4,800,000,000 SLSh lagu wareejiyo Hay’adda Illaalinta Tayada (Quality Control).
2. In Lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Ururka Saxaafadda SOLJA, lacagtaas oo dhan 300,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Warfaafinta iyadoo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabadka iyo Maaliyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista lacagtaas oo dhan 700,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, iyada oo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabaadka iyo Maaliyadda Qaranka
4. In lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Daladda Dhallinyarada SONYO lacagtaas oo dhan 300,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyada oo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabaadka iyo Maaliyadda Qaranka Somaliland.
5. In lacagta kaalmada ah ee loogu talogalay Daladda Naafada Qaranka lacagtaas oo dhan 400,000,000 SLSH la hoos geeyo Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyada oo la raacayo hab-raaca Maamulka, Xisaabaadka iyo Maaliyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In lacagta kaalmada ah ee la siiyo Ururka Dhakhaatirta lacagtaas oo dhan 300,000,000 SLSH lagu wareejiyo taakulada Gurmadka abaaraha.
7. In Lacag dhan 900,000,000 (Sagaal boqol oo Milyan) loo qoondeeyo Iskuulka Farsamada Gacanta ee Hal-door, lacagtaasna laga jarayo Kharashka basaaboorka laga qaado.”
Waxa kaloo ay guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu si faahfaahsan uga warbixiyeen waxyaabaha ay xambaarsan tahay miisaaniyadda 2017 iyo meelaha ay kormeerka ku sameeyeen si ay xog dheeraad ah uga helaan odoroska miisaaniyadda.
“Guddidu iyadoo ka dheregsan xaaladaha guud ahaan dalka, isla markaana kormeero kala duwan ku soo maray gobollada dalka, ilaha dakhli soo saar iyo masuuliyiintoodaba, soona dersay sida ay shaqada qaranku uga socoto iyo dedaalada ay Wasaaradda Maaliyaddu ka wado..
Waxaa intaa weheliya, in ay Guddidu safaro shaqo ku tagtay goobaha dakhligu ka soo xaroodo ee dalka si ay u soo indha-indhayso, una hubiso hawshu sida ay u socoto iyo dakhliga ay soo xareeyan.
Waxayna Guddidu socod dheer ku martay goobaha dakhliga dalka sida Dekadda Berbera, Kastamka Dekedada Berbera, Kastamka Kalabaydh, Kastamka Wajaale iyo Magaalada Gabiley.
Guddidu waxay kulamo kala gedisan la yeelatay Masuuliyiintan hoos ku qoran:-
1. Maareeyaha Dekedda Berbera.
2. Maamulaha kastamada Berbera.
3. Badhasaabka Gobolka Saaxil.
4. Isu-duwayaasha Gobolka Saaxil.
5. Maamulaha kastamada Kalabaydh
6. Maamulaha kastamada Wajaale.
7. Golaha Degaanka Gobolka Gebilay.
.Shaxda Miisaaniyad-sannadeedka 2017ka:-
Odoroska Miisaaniyaddeed ee sannada 2017 waxay ka kooban tahay:-
1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe.
2. Miisaaniyadda Hay’addaha Madaxabannaan ee Dawladda.
3. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose.
4. Miisaaniyadda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadammada Qaadhaan-bixiyayashu (Somaliland Development fund).
5. Miisaaniyadda Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladda Hoose (JPLG).
Mudaneyaal, Miisaaniyadani waa Miisaaniyaddii 25aad ee Qaranka Somaliland yeesho, waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay tii 2016 27.5% (Boqolkiiba toddoba iyo laabatan iyo badh).
Marka lo eego Miisaaniyaddii 2010kii waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay 401% (Boqolkiiba afar boqol iyo kow).
Guud ahaan Dakhliga Miisaaniyadda 2017 wuxuu ka kooban yahay 2,175,104,355,662, una dhiganta Doolar ahaan $362,517,393 tafaasiisheeduna waxay tahay sidatan:-
Dakhliga Miisaaniyadda 2017
No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 $258,867,337
2 Hay’adaha Madaxabannaan 303,338,532,125 $50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 $34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,861,212,000 $16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul-daadejinta 12,722,892,000 $2,120,482
Grand Total 2,175,104,355,662 $362,517,393.
Faahfaahinta Dakhliga Miisaaniyadda 2017:
No. Wakaalada/Hay’ada Budget 2017 Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 $258,867,337
2 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 $34,761,725
3 Dekedda Berbera 200,891,841,500 $33,761,974
4 Baanka Dhexe 29,965,644,952 $4,994,274
5 Wakaaladda Biyaha Gebilay 2,122,323,000 $353,721
6 Wakaaladda Biyaha Hargeisa 25,719,277,055 $4,2$86,546
7 Wakaaladda Biyaha Burco 11,218,141,645 $1,869,690
8 Madbacadda Qaranka 4,747,807,513 $791,301
9 Wasaaradda Duulista 3,085,200,000 $514,200
10 Wakaaladda Biyaha Berbera 6,325,324,600 $1,054,221
11 Wakaaladda Laydhka Berbera 12,373,771,860 $2,062,295
12 Wakaaladda Biyaha Boorama 6,889,200,000 $1,148,200
13 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,861,212,000 $16,211,427
14 Dakhliga Mashruuca Maamul-daadejinta 12,722,892,000 $2,120,482
Grand Total 2,175,104,355,662 $362,517,393

Korodhka Kharashka Miisaaniyadda 2017:-
Mudaneyaal, Miisaaniyadda 2017 waxay kaga duwaan tahay Miisaniyaddihii hore in ay Xooga saarayso Qodobadan hoos ku qoran:-
• Qalabka iyo Saannada Ciidammada Dalka ee kala duwan.
• Kharashka Doorashooyinka iyo Kaadh beddelka.
• Korodhinta Mushahaarooyinka Shaqaalaha iyo Ciidammada dalka 10%
• Korodhka Miisaaniyadda Ictiraaf-raadinta.
• Kharashka Ciidammada illaalada Shidaalka.
• Kharashka Gurmadka Abaaraha.
• Kharashka Mashruuca Dhiraynta Deegaanka.
• Dhiska iyo dayactirka waddooyinka dalka.
• Dhismaha Guriga Martida Boorama
• Dhismaha MCH-yada uu Madaxweynuhu dhagax-dhigay.
• Dhismaha Goobaha Dab-damiska ee Boorama, Burco iyo Wajaale.
• Dhismayaasha Garoonka Shulaac Stadium, Guryaha Macallimiinta, Goobaha Kalluumaysiga, Libarariga Boorama, Libraryga Berbera.
• Dhismayaasha Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda.
• Dhismaha Xarunta Gobolka ee Burco.
• Dayactirka garoonka Kubbada Kolayga ee Timacadde.
• Daryeelka iyo Dib-u-dhiska Iskuulada dalka.
• Iibsiga Qalabada Caafimadka, gaadiidka iyo qalabka Xafiisyadda Wasaaraddaha.
• Kaalmooyinka Agoomaha, Madxafka Saryan, Ururka Dhakhatiirta, iyo Kaalmada Dalladda Dhallinyarada ee SONYO.
• Mashruuca Xanaannada Xoolaha,” ayey Guddida Dhaqaaluhu ku yidhaahdeen warbixintooda ay Golaha Wakiillada ka hor akhriyeen.