X

Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka Oo Soo Saaray Ganaaxyo Iyo Awaamiir

Gudddia anshaxa doorashooyinka Image Araweelo News Network, 27 Oct, 2024.

 

#Araweelo_News_Network

 

Hargeysa (ANN) – Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta ganaaxyo lacageed ku xukumay Xisbiyada Waddani, Kulmiye.Ururka Kaah iyo sidoo kale, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo gollaha degaanka degmada Hargeysa.

Gudiddu waxay sheegeen in Xisbiyada iyo Ururka ay jebiyeen xeerka anshaxa, iyagoo sidaa si lamid ah ay masuuliyiinta ay sheegeen ku gafeen nidaamka iyo xeerarka Olollolaha iyo isu soo baxa, waxayna si cad u sheegeen gudiddu in ganaaxyada kala duwan loo cuskaday kaddib markii ay caddaatay in ay jabiyeen Xeerka Anshaxa & Hab-dhaqanka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aanka gudidda anshaxa ee ganaaxyada ayaa kusoo beegmay maalintii sideedaad ee ollolaha isu soo baxa oo si xaamasadaysan uga socda guud ahaan Somaliland, waxaana la arkayay meelaha qaar xilliyo kala duwan rabshado gacan ka hadal ay samaynayeen qaar ka mid ah taageerayaasha axsaabta KULMIYE iyo WADDANI.

Muuqaalkan ka Daawo Go’aanka Ganaaxyada Gudidda Anshaxa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post