X
    Categories: Warar

Guddida Anshaxa Ee Komishanka Doorashooyinka Oo Digniin U Diray Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddida Anshaxa ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka u qaabilsan ilaalinta Habsami-u-socodka Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta, ayaa labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI uga digay in tallaabo adag laga qaadi doono haddii aanay joojin ololaha siyaasadeed ee ay ka dhex wadaan qaybinta qaadhadhka codbixinta ee ka socda degaannada Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer.
Xubnaha Guddida Anshaxa ee Komishanka Doorashooyinka oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ay olole siyaasadeed ka dhex bilaabeen degaannada Gobolka Togdheer oo ay ka socoto hawsha qaadashada kaadhadhka codbixintu, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah oo baalmarsan xeerka anshaxa ee ay xisbiyada qaranku hore u saxeexeen.
Guddoomiyaha Guddida Anshaxa ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka marwo Sucaad Ibraahim Cabdi, ayaa warbaahinta u akhriday warsaxaafadeed ay arrimahaas kaga hadleen, kaasoo isagoo faahfaahsan u qornaa sidan;

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post