X
    Categories: Warar

Guddi Loo Saaray Qaraxii Lagu Haligmay Ee Muqdisho Iyo Awaamiir Uu Bixiyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Araweelo News Network

 


Muqdisho(ANN)-Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay Magacyada Guddi loo saaray masiibada Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho Iyo Awaamiir cusub oo uu bixiyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Qoraalka, ayaa u qornaa sidan:-

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddi isagu jira Wasiiro , Maamulka Gobolka Banaadir, Culima’udiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah;

Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska
(Xubin)

Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

Ibrahim Yarow Isaaq W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)

Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

Guddigan ayaa bilaabey howlahooda isku dubaridka aaska qaranka, gurmadka dhaawacyada si dibedda loogu qaado kuwooda cul-culus iyo in bulshada lagala qeyb qaato baroordiiq qaran oo socon doonta muddo saddex maalmood  ah.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa  ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo xubnaha dawladdu inay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinku soo gaadheen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay dadka qaba dhaawac yada culus in loo qaadi doono caafimaad dibedda ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhinaca kale ku booqday cusbitaalka Muqdisho dhaawacyadii dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay falkii argagixiso ee 14kii October wuxuna ku caawiyey dhiig, isagoo dhinaca kale booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay oo ka muuqday burbur baaxad weyn.

—DHAMMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post