X
    Categories: Warar

Gollaha Wasiiradda Somalia Oo Kulan Yeeshay Iyo Waxyaabaha Lagaga Hadlay

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa galabta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay kamid yihiin, geedi socodka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maraya heer-gabo-gabo ah.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dawladda Federaalka sanadan 2016, waxa uuna soo bandhigay qaar kamid ah qodobadii isbadalka lagu sameeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, waxana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka oo hadda maraya heer gaba-gabo ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa Guddiyada ka soo shaqeeyey howshan baaxadda weyn ee dib-u-eegista Dastuurka KMG ah. Waxaan rajeynayaa in dhawaan ay dhamaystirmi doonto dib-u-eegistu loona gudbiyo Baarlamaanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

—-DHAMMAAD—–

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post