X

Gollaha Wakiillada Oo Soo Bandhigay Qaabka Loo Musuqmaasaqo Mashaariicda Magac Ahaan Miisaaniyadda Loogu Daro

Garyaqaan Mustafe Khayre, gudoomiyaha guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka Somaliland ee gollaha wakiillada Image Araweelo News Network 2 Jan 2022.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo bandhigay Warbixin musuq-maasuq oo murrugo xanbaarsan, taas oo lagu soo bandhigay fadhigii gollaha ee 2 Jan 2022, isla markaana daaha ka fayday qaabka musuq-maasuqu ugu baahay hay’addaha dawladda Somaliland iyo habka dhaqaalaha loo qoondeeyo dib u dhiska adeegyadda aasaasiga ah ee lagu shaxeeyo miisaaniyadda qaranka loo lunsado.

Warbixinta ooxanbaarsan xoggo rasmi ah iyo dukumeentiyo la tixraacayo, ayaa lagu xaqiijiyay in si weyn loo musuq-maasaqay dhaqaale loo qoondeeyay adeegyada aasaasiga ah ee dalka, kuwaas oo inta baddan xisaab ahaan lagu muujiyo miisaaniyadda xukuumadda.

Hase yeeshee Warbixinta guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee gollaha wakiillada oo socdaalo ku kala bixiyay dhowaan gobollada dalka, isla markaana kulamo iyo waraysiyo la yeeshay masuuliyiin kala duwan oo hay’addaha dawladda ah.

Natiijada warbxiintaa oo uu gollaha ka akhriyay Garyaqaan Musatafe Khayre oo ah Guddoomiyaha guddi hoosaadka gollaha wakiillada Somaliland u qaabilsan Dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka.

Warbxiinta waxa ku jira mashaariic lagu xardhay miisaaniyadda oo lagu sheegay in loo qoondeeyay adeegyada aasaasiga ah, balse aan la fulin iyo qandaraasyo been ah oo lacag lagu lunsaday, sidoo kale waxa ku jira warbixinta sida lagu sheegay qandaraasyo la bixiyay oo si dhammaystiran loogu qaban wixii loo qoondeeyay.

Guddiida ayaa maray Lixda magaalo ee waaweyn iyo Gebilay, waxayna soo xaqiijiyeen musuq-maasuqa adeegyo aan la fulin kharashkooda lagu shaxeeyay miisaaniyadda iyo kuwo la muunadeeyay oo aan u qalmin kharashka lagu bixiyay , ama aan loo fulin wixii heshiisku ahaa sida ay sheegeen.

Warbixinta Guddoomiyaha guddi hoosaadka gollaha ee dabagalka iyo ilaalinta Hantida qaranka ee Gollaha wakiillada Xildhibaan Mustafe Khayre ka akhriyay, ayaa muujisay sida dhaqaalaha dalka looga musuq-maasaqo bulshada, waxayna warbixintaa oo dhawr bog ka koobnayd xanbaarsanayd macluumaad dheeri ah iyo Dukumentiyo xisaabeed,iyo masuuliyiin la waraysatay oo cadaymo ugu filan.

Muuqaalka oo Dhamaystiran Halkan Ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post