X
    Categories: Warar

Gollaha Wakiillada Oo Ansixiyay Wax-ka-beddel lagu Sameeyey Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Deegaanka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey.
Xeerkan oo Komishanka Doorashooyinku u soo gudbiyey Golaha Wakiillada si la isu waafajiyo arrimo farsamo oo la xidhiidha doorashadan soo socota ee Madaxtooyada iyo kuwa deegaannada ee dambe, ayaa fadhi uu yeeshay aqalka Wakiilladu oo ay ka qaybgaleen 41 xildhibaan lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah, kadib markii cod loo qaaday ay ogolaadeen 37 mudane, hal xildhibaana uu diiday, halka 3 kalena ka aamuseen.
Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki), ayaa markii fadhigu goluhu dhammaaday sharraxaad ka bixiyey qodobada isbeddelka lagu sameeyey Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Deegaanka ee ay ansixiyeen, ayaa sheegay in ay jiraan arrimo farsamo aan hore ugu jirin xeerkan oo u baahday in la waafajiyo hadda, waxaannu yidhi, “Waxyaabaha la ansixiyey ee ku jira Xeerkani waa qaar dhinaca farsamada ah, tusaale ahaan doorashadii hore ee Madaxtooyada waxaynu ku galnay diiwaangelin la’aan, tan iminka soo socotana diiwaangelin baynu ku galaynaa, markaa si xeerkii la isu waafajiyo waa in wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyaa, waxa kaloo ku jira qodob u fasaxaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka la dooranayo, shaqaalaha iyo ciidammada ka shaqaynaya doorashada inay ka codayn karaan goobo aanay ka diiwaangashanayn, maadaama xeerku markii hore dhigayey in qof waliba halka uu iska diiwaangeliyey uun inuu ka codeeyo.”
Sidoo kale, Xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa iyaduna sheegtay in ay ansixiyeen wax-ka-beddel aan badnayd oo lagu sameeyey xeerka Doorashooyinka oo laga dhigay lifaaqan lagu kaabay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post