X
    Categories: Warar

Gollaha Wakiiladda Oo Meel Mariyay Soo Jeedinta Madaxweyne Siilaanyo Ee Suurta Gelinay Inay Kuraasta Kusii Negaadaan Kala Qaadista Doorashooyinka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Gollaha Wakiiladda Somaliland, ayaa saaka Fadhi ay yeesheen ku meel mariyay soo jeedinta Madaxweyne Siilaanyo ee nuxurkeedu ahaa kala qaadista labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Gollaha Wakiiladda, taas oo suurta gelinay inay kuraasta ku sii negaadaan.
Fadhiga maanta oo lagu qabtay Hoolka fadhiyada golaha, waxa guddoominayay Gudoomiye Ku Xigeenka kowaad Baashe Maxmed Faarax, iyadoo fadhigaa 59 xildhibaan oo ka mid ah 82 xubnood ee goluhu ka kooban yahay kasoo xaadireen. Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Baashe, ayaa golaha cod u weydiiyay soo jeedinta Madaxweynaha ee kala qaadista labada Doorasho ee uu Madaxweyne Siilaanyo usoo gudbiyay.
Waxaana codkaa oo ahaa mid gacan taaga ah ku ogolaaday soo jeedinta Madaxweynaha 52 Muddane Waxaa Diiday 5 Xildhibaan Gudoomiyuhuna Muu Codeyn halka hal mudanena ka aamusay Sidaaana, waxay Xildhibaanadu Ku Meel Mariyeen Kala Qaadista Labada Doorasho ee golaha wakiilada Somaliland iyo Madaxtooyada.
Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo Waraabinta la hadlay cod bixinta kadib, ayaa Sheegay In Go’ankooda Maxkamadda Sare Loo Gudbin Doono, Isla Markaana Muddo Kordhinta Golaha Wakiilada loo Sameynaayo Mudada ay Noqon Doonto go’aankeeda ay leeyihiin golaha guurtidu.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhowaan usoo gudbiyay soo jeedintaa lagu kala qaadayo labada doorasho golaha Wakiiladda Somaliland, balse waxa soo jeedintaa ka hor yimi qaar ka mdi ah rayal caamka Bulshada iyo wadamada daneeya geedi socodka Dumuqraadiyada iyo Doorashooyinka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post