X

Gollaha Wakiiladda Oo Aqlabiyad Ku Meel Mariyay Miisaaniayadda 2025

Fadhiga Gollaha Wakiillada Somaliland, Salaasa 7 january, 2025, Image Araweelo News.

 

#Arawreelo_News_Network

Hargeysa(ANN) Mudanayaasha Gollaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad sare ,iyadoo Madaxweynaha Somililand isla maanta kusoo saaray Digreeto lagu dhaqan gelinaya Miisaaniyadda 2925,taas oo ah miisaaniyadii xukuumaddii hore 2024.

Kal-fadhiga oo ahaa kii 10aad Fadhigiisii 15aad oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon)  waxaana Gollaha Warbixinta u jeediyay Guddida Dhaqaallaha ka hor intii aan cod loo weydiin Miisaaniyadda muadanayaasha madasha fadhiyay, waxaana cod aqlabiyad ah lagu Ansixiyay Odoraska Miisaaniyada Qarankan ee 2025.

Muuqaalka ansixinta Miisaaniyadda 2025 we Gollaha  Wakiiladda  Somaliland


Wareegtada Madaxweynahu ku dhaqan geliyay Miisaaniyadda 2025,  ayaa nuxur ahaa u dhignayd  Sidan:-

“𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐲: Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/06/2025) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/14-10/06/2025, kuna taariikhaysan 25/01/2025, ee Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka;
𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲;
Dhaqan-galkan oo lagu baahinayo Miisaaniyad Sannadeedka 2025-ka oo qaddarkeedu dhan yahay SL.SH/=3,894,462,279,363 (Saddex Tirilyan, Siddeed Boqol iyo Afar iyo Sagaashan Bilyan, Afar Boqol iyo Laba iyo Lixdan Milyan, Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan Kun, Saddex Boqol iyo Saddex iyo Lixdan Shillin Somaliland ah).” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi, Digreetada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post