X
    Categories: Warar

Gollaha Deeggaanka Saylac Oo Doortay Maayar Iyo Maayar Ku Xigeen Cusub

Araweelo News Network

Saylac(ANN)-Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen gollaha deeggaanka Saylac, ayaa sababay in xilkii laga xayuubiyo Maayarkii hore ee Magaalada Saylac Xuseen Ciidle Barkhadle, waxaana Maayar cusub loo doortay Sacad Daahir Cige oo hore xilka Maayar ku xigeenka isaga casilay, iyadoo Maayar ku xigeena loo doortay Maxamuud cigaal Wacays.

Fadhiga golaha deeggaanka oo maanta, waxaa kasoo xaadiray 12 Xildhibaan, kuwaas oo Maayarka cusub iyo ku xigeenkiisa doortay, waxaana goob jog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, Xoghayaha Dawlada Hoose Xasan Barkhad Cumar iyo Taliyayaasha Booliska Iyo Ciidanka Badda ee gobolka Salal.

Maayarkii hore Magaalada Saylac Xuseen Ciidle Barkhadle, ayaan kasoo xaadirin fadhigaa aan caadiga ahayn ee xilka lagaga qaaday, waxaana jiray khilaaf u dhexeeyay xubnaha gollaha deegaanka Saylac muddooyinkii u danbeeyay oo soo noq-noqnayay, kaas oo sababay in Maayar ku xigeenkii hore oo hadda loo doortya Maayarka cusub uu xilka ku xigeenka hore isaga casilo.

Xubnaha golllaha deeggaanka, ayaa marar baddan isku deyay inay fadhi aan caadi ahayn yeeshaan, balse Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Salal ayaa hor istaagay, wuxuuna khilaafka u dhexeeyay golaha deegaanka Saylac ragaadiyay hawlihii iyo adeegyadii ay bulshadda u qaban lahaayeen xubnaha gollaha deeggaanka Salal, balse khilaafkaa ayaa maanta lagu soo afjaray in xilka laga qaado Maayarkii hore, isla markaana la doorto Maayar iyo Maayar ku xigeen cusub.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post