X
    Categories: Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Hindise Sharciyeedyo Loo Gudbinayo Baarlamaanka

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intuu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

1. IsgaaDh siinta
2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. La-Dagaalanka Argagaxisada
4. Runta & Dib u Heshiisiinta
5. Dawladaha Hoose
6. Dambiyada Kufsiga
7. Muwaadinimada
8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
10. Badda
11. Kheyraadka Biyaha
12. Tamarta
13. Maareynta Maaliyada
14. Istaatiistikada
15. Xeerka Saxaafada
16. Waxbarashada
17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
18. Sharciga Beeraha
19. Gudiga Muftida Culumada

DHAMAAD
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post