X
    Categories: Warar

Golaha Wasiiradda Somaliland Oo Dood Kadib Ansixiyay Xeerar Muhiim Ah

Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland. Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Fadhigii Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu ansixiyey Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah oo wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey,.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafeed kooban oo kasoo baxay fadhigaa kadib, waxay golaha wasiiradu dood dheer kadib iyo fadhiyo uu hore uga yeeshay, ku ansixiyay in la meel mariyo xeerkaa oo ahmiyad weyn u leh qaranka.

Fadhigaa oo ahaa kii 52aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu ku weheliyay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday xeerar cusub, kuwaas oo goluhu ka doodayeen muddo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Golaha, ayaa lagua ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu kusoo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay fadhigu intii uu socday.

Sidoo kale dood iyo falanqayn dheer uu goluhu ka yeeshay labada xeer ee kala ah:
Xeerka Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo Xeerka maalgashiga, ayaa lagaga dooday fadhigaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Madaxtooyadda, kaasoo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post