X
    Categories: Warar

Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ka Dooday Maareynta Maaliyada, Xuquuqda Shaqaalaha, Amniga, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale

Araweelo News Network

Shirka Gollaha wasiiradda Somalia


Muqdisho(ANN)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyada si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.

Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgal ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo la diyaarinayo ciidanka isla markaasna laga howlgalayo sidii waddooyinka gobollada la isagu furi lahaa si shacabka loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin isla markaana loogu fududeyn lahaa isu socodka iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin dheer ka bixiyey shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo uu sheegay in si wanaagsan la isagu afgartay dhammaan arrimihii laga hadlay ayna muuqato yididiilo iyo kalsooni wadashaqeyn buuxda leh. Waxaana la isla gartay in 3dii biloodba mar ay kulmaan, lagana wada howlgalo sugida amniga dalka oo dhan, iyadoo ciidanka la wada qarameyn doono dhowaan.

Wasiirka Shaqada & Horumarinta Bulshada ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaalada shaqaalaha rayidka ah, iyadoo la qiray xaalada adag ee shaqaalahu ku howlgalaan, laguna ammaanay dulqaadkooda iyo howlkarnimadooda, ayaa golahu waxuu ballanqaaday in xaquuqda shaqaalaha laga howlgalo iyadoo la hagaajinayo maamulka iyo maareynta shaqaalaha, si loo kordhiyo xirfadooda oo wax-soosaarkoodu kor u koco, oo dowladu ay hesho dakhli keeni kara in dhalinyarada loo sameeyo shaqo-abuur.

Wasiiru-Dowlaha Maaliyada oo ka warbixiyey qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa ayaa sheegay in la diyaariyey nidaam looga hortagayo lunsashada hantida qaranka, si loo joogteeyo mushaaraadka shaqaaalaha rayidka ah, in baaris iyo dabagal joogta ah lagu sameeyo sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa oo cidii lagu helo sharciga la horgeyn doono. Sidoo kale waxaa la isla gartay in wacyigelin baahsan la sameeyo oo bulshada looga digayo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa si loo ciribtiro bulshada ay door uga qaadato. Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqana waxaa lagu heshiiyey in la dardargeliyo oo la ansixiyo.

Wasiirka Dhalinyada iyo Cayaaraha ayaa ka warbixisay xaalada wasaarada iyo booqashadii uu Guddoomiyaha Xiriirka Africa ku yimid Soomaaliya. Waxeyna u mahadcelisay dhammaan intii kaalinta wanaagsan ka qaadatay booqashada iyo labadii cisho ee uu joogay dalka, tanoo soo celisay sumacadii iyo karaamadii Isboortiga dalka, isla markaasna Guddoomiyaha Xiriirka FIFA uu isna soo booqan doono dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirada Haweenka & Arrimaha Xaquuqul Insaanka ayaa warbixin ka bixisay qorshaha dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha dhismaha guddigan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post