X
    Categories: Warar

Golaha Wasiirada oo soo dhoweeyey Xeerkii Madaxweynaha ee meel marinta Hannaanka doorashada dadban ee 2016

Araweelo News Network

Golaha Wasiiradda Somalia Photo file Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.S Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ka mid yihiin Ammaanka guud ee dalka, Fatahaadda Wabiga Shebelle ee magaalada Beledweyne.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Daa’uud Maxamed, ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee ammaanka guud ee dalka, wuxuna sheegay laamaha amnigu in ay qaadeen tallaabooyin lagu sugayo amniga Caasimadda iyo gobollada dalka, si looga hortago falal argagixiso oo kooxaha nabaddiidku ay sameeyeen bisha barakeysan ee Ramadan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Beeraha ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka xilligaan haysta shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka dhashay fatahaada uu sameeyay wabiga shabeelle qaybta uu ka maro Gobolka Hiiraan. Wasiirka ayaa sheegay xaalad adag in ay ka jirto halkaasi, isagoo xusay wasiiro ka tirsan Xukuumadda in ay gaareen si ay qiimeyn ugu sameeyaan dhibaatada. Isagoo xusay in hay’adaha gar-gaarka ay kala hadleen sidii halkaas loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa tilmaamay in maalinta sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan Imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ee dalka, waxana ay wasaaraddu sheegtay dhammaan daladaha ka jira dalka iyo Wasaaraddu in ay ku mideysan yihiin Imtixaanka. Isla markaana lagu qaban doono inka badan 64 xarumood oo ku kala yaala Caasimadda iyo gobollada dalka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee (Gender), waxaana golaha warbixin ka siisay Wasiirka Haweenka iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar oo sheegtay in sharcigani muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta xuquuqda Haweenka.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo aheyd in xubnaha kala ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Mudane Cabdiwahaab Macallin Maxamed Xaaji Aadan, Cabdi Aadan Diiriye in loo magacaabo safiiro, dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa ansixiyay in loo magacaabo Safiiro buuxa.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ku meel mariyay hannaanka doorashada dadban ee sannadkan 2016 ka dhacaysa dalka.

—-DHAMAAD—

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post