X
    Categories: Warar

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Meel Mariyay Xeerka Xuquuqda Caruurta

Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland. Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kalena ka dooday xeerka Qabya-qoraalka maalgashiga.


War-qoraal ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-


“Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, xeerkaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, waxa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo.

qoraalkaa ayaa lagu sheegay in ugu danbayn goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post