X
    Categories: Warar

Golaha Wasiirada Ee Dawladda Federaalka Ee Soomaaliya Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2021

Araweelo News Network

Qaabka loo Qoondeeyay Miisaaniyada iyo meelaha laga filayo

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa meel marisay miisaaniyad sannadeedka 2021, taas oo gaadhaysa qiyaasta guud ee mala awaalka $671.8 million oo lacagta Maraykanka ah.

Miisaaniyada ayaa la shaxeeyay qaybaha loo isticmaalayo oo ah adeegyada aasaasiga ah, iyadoo la filayo in ay ka timaado saddex dhinac oo kala ah dakhliga gudaha, kabka miisaaniyada iyo mashaariicda lagu deeqo dawladda Soomaaliya.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay shirka golaha wasiirada Soomaaliya oo lagu ansixiyay miisaaniyad sannadeedka 2021 oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraal saxaafadeedka lagu ansixiyay miisaaniyada iyo qaabka loo shaxeeyay, ayaa u dhignaa sidan:-

Shirkii golaha Wasiirada Somalia Image File Villa Somalia 29 Oct 2020, Araweelo News Network.

“Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qayb ka tahay kharashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaadheen golihii Wasiirada Xukuumaddii xil gaadhsiinta.

Shirkii golaha Wasiirada Somalia Image File Villa Somalia 29 Oct 2020, Araweelo News Network.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qaybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Miisaaniyadda ayaa diiradda saaraysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyay dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xidhiidha.

1. Caafimaadka
2. Waxbarashada
3. Ka hortagga fatahaadaha
4. Cadaaladda iyo garsoorka
5. Dib u dhiska waddooyinka
6. Dastuurka
Shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaadheen golihii Wasiirada Xukuumaddii xil gaadhsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen.

Dhammaad

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka ee Muqdisho, Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post