X
    Categories: Warar

Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Laalay Lacago Sharci-daro Ah Go’aan Cusubna Soo Saaray

 

Hargeysa(ANN)Fadhiga 13aad ee kalfadhiga 27aad ee golaha wakiiladda, ayaa maanta laalay Lacago sharci-daro ah oo muwaadiniinta gaadiidka lasoo dega lagaga qaadayay Dekeda Berbera.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi oo gudoominayay fadhiga, isla markaana la filayay in lagu ansixiyo golaha masuuliyiin Madaxweyne Siilaanyo dhowaan magcaabay, ayaa lagu war helay Mooshin Golaha lasoo hordhigay, kaas oo ay soo saxeexeen xildhibaano ku dalbaday laalista lacago dheeraada oo lagu soo rogay baabuurta soo dagaysa dekeda Berbera.

Sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Wakiiladu waxa uu Guddoomiyuhu xaadiriyay Magacyada Mudanayaasha soo saxeexay mooshinka, wuxuu golaha cod u weydiiyay in la laalo mooshinkaa oo ahaa mid aan sharci ahayn oo la saaray baabuurta.

Waxaana ogolaaday in la alaalo 39 mudane, wax aka aamusay 10 mudane, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diiday. Sidaana waxa lagu meel mariyay oo goluhu ku ansixiyay in la laalo takaaliiftaa, iyadoo Goluhu si rasmi ah usoo saary go’aankan hoos ku qoran:

Ujeedo: -Go’aanka Laalista Takaaliifta Aan Sharciga Ahayn Ee La Saaray Gaadiidka

Markuu Arkay:- Golaha Wakiiladdu

Markuu Arkay:- Qodobada 53aad Ee Dastuurka Faqradahiisa 2aad iyo 4aad iyo Qodobada 54aadaad 37aad Ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland

Cashuurta Xad Dhaafka Ah Ee Hore Loo Saaray Gaadiidka

Markuu Arkay :- Mooshinka Ku Saabsan Laalista Takaaliifta Aan Sharciga Ahayn Ee La Saaray Gaadiidka Soona Jeediyeen Mudanayaasha Golaha Wakiiladda JSL.

Markuu arkey In lacagta Lagu Xukumay Gaadiidka Ay Tahay Takaaliif Aan Soo marin Golaha Wakiiladda JSL.

Markuu u codeeyay Ansixinta Go,aanka Laalista Takaaliifta Aan Sharciga Ahayn Ee La Saaray Gaadiidka Kal-Fadhigii 27aad Fadhigiisii 14aad oo ay goob joog ka ahaayeen 50 Mudane Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha golaha Wakiiladda

Wuxuu Cod aqlabiyad ah (39) Sagaal Iyo Sodon cod oo gacan taag ah ku ansixiyey In La Laalo Lacagta Takaaliifta Aan Sharciga Ahayn Ee La Saaray Gaadiidka Ee Kala Ah:-

1. Baabuurta Waaweyn Land Crusier U yar Yahay $70 (Todobaatan Dollar)

2. Baabuurta Surf Iyo Wixii La Ton Ah $60 (Lixdan Dollar)

3. Baabuurta Wixii Surf Ka Yar $50 (Konton Dollar)
C/risaaq Siciid Ayaanle

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JS
Cabdiraxmaan Maxamed C/laahir (cirro)
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post