X
    Categories: Warar

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Taakulo Lacaggeed oo Dhan Afar Boqol iyo Laba iyo Sagaashan Milyan Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha Heer Qaran ee Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa taakulo lacaggeed oo dhan Afar Boqol iyo Laba iyo Sagaashan Milyan oo Shilinka Somaliland ah oo ay mushahaaraddooda iska soo jareen xildhibbaanada aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ku wareejiyey guddida abaaraha heer qaran ee Somaliland.

Munaasibadan kooban oo ay taakuladan lacaggeed kula kala wareegayeen labada dhinac oo saaka ka dhacday xarunta aqalka Wakiilada Somaliland, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha aqalkaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi Cirro, guddoomiye ku xigeenka guddida abaaraha heer qaran, wasiirka wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland iyo weli ba sida oo kale xubno ka mid ah guddida heer qaran ee abaaraha Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ugu horreyn warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay ka gole ahaan ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb-qaataan qaadhaanka lagu taakulaynaayo dadka dhibbaateysan ee abaarahu saameeyeen.

‘Aniga oo ka wakiil ah Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu halkan maanta ku guddoonsiinaynaa qaadhaan ay iska jareen xildhibbaanada Golaha Wakiilada jamhuuriyadda Somaliland oo ay kaga qeyb-galayaan gurmadka walaalahood abaartu tabaalaysay ee dhammaan goballada Jamhuuriyadda Somaliland, qaadhaankaas oo dhan 492,0000(Afar boqol iyo Laba iyo Sagaashan Milyan oo Shilinka Somaliland ah), waxa aniga oo ka Wakiil ah golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, aan guddoonsiinayaa guddiga abaaraha jamhuuriyadda Somaliland ee heer Qaran lacagtaas ay bixiyeen xildhibbaanada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland’.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiye ku xigeenka guddida abaaraha heer qaran ee Somaliland Md.Xasan Cabdi Salaan oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo xildhibbaanaddiisa ba sida diiran ee ay iskugu xil qaameen in ay walaalahooda dhibbaateysan ay la wadaagaan abaaraha ba’an ee sida adag u saameeyey

‘Annaga oo ah guddida abaaraha jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu si weyn ugu guddoonay lacagtaas qaadaanka ah ee uu guddoomiyahu sheegay, waxa aanu lee nahay guddoomiyaha iyo Golaha uu ka wakiilka yahay ba aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin oo Ilaahay ha idin ka abaaliyo , saqaddaas na mid maqbuula ah Alle ha ka dhigo , halka aad ka soo saarteena mid khayr qabta Alle ha idiin ku bedelo, waxa runtii ay dareen ka tahay oo ay muujinaysaa damqashada aad ka lee dihiin dadkiina iyo walaalahiina dhibbaateysan.”.Ayuu yidhi Md.Xasan Cabdi Salaan

Md.Xasan Cabdi Salaan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa war war ka muujiyey xaaladda abaareed ee hada taagan oo uu sheegay in maadaama la joogo wakhti Jiilaashin hortii ah ay sii ballaadhan karto haddii aan Eebe innoo shubin Raxmaadkiisa, isaga oo isbarbar dhig uu ku sameeyey abaarahii dalka haleelay iyo tan maanta uu carabka ku dhuftay in abaartan hada taagani ay saamaysay dad gaadhaya Malyuun iyo Shan boqol oo qof, waxaana uu Alle ka baryey in uu Raxmaadkiisa u shubo sida oo kale qof walba uu wixii karaankiisa ah ku soo taakuleeyo dadkaas walaalahooda ah ee dhibbaateysan, waxaana uu yidhi,

“Guddoomiyahu isaga oo ah guddoomiyahii Golaha isla mar ahaantaana ah ka mid ah Murashaxiinta maanta u taagan tartanka Madaxtinimada dalka ee Madaxweynenimo, waxa aan lee yahay abaarta maanta ina haysaa maaha mid curad ah oo ugub inagu ah, waa mid ina bariisatay oo ina dul fadhiisatay, weli ba ifafaalaha muuqadaana uu u eeg yahay in ay jiitami doonto oo innooga baahan tallo, qorshe iyo tabaale wanaagsan oo arrinku aanu maalinta ay wax yimaadaan uun inaga noqon uun in aynu dhiig joojin la orodnee, ay innooga baahan tahay tallo ballaadhan oo innaga oo tii hore haraatidee dii la rafanayna ayey tani na innagu dhufatay oo taas hore dadka ay saamasay waxa lagu qiyaasay Malyuun iyo laba boqol iyo afartan qof, abaartan imika taagana iyada oo bilow ah waxa ay maraysaa Malyuun iyo shan boqol, Jiilaalkii na madaxiisii hore ayeynu taagan nahay, haddii aan Alle raxmaadkiisa innoo soo shubina waa ay laban laabmi doontaa o runtii dadku aad bay iskugu bixi doonaan, markaa marka hore aynu Alle xasuusano oo raxmaadkiisa waydiisano, intaa ka dib na aynu walaalaheena dhibbaateysan soo taakuleyno oo qof walba wixii uu kari karo uu ku soo caawiyo.”.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post