#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Golaha Wakiillada oo muddooyinkan ku jiray kalfadhiyadii 10aad iyo 12aad, soo gebagebeeyay ayaa la hordhigay in la kordhiyo oo lagu daro muddo laba todobaad ah kalfadhiga, taas oo dhaliyay dood kaddib markii mudanayaasha qaarkood uga falceliyeen qaabka loo kordhin karo marka ay timaado in lasii wado fadhiga, iyadoo ay dhamaysteen laba kalfadhi sida uu tilmamay xeer hoosaadka gollaha..

Guddoomiye ku xigeenka Gollaha Siciid Mirre  Faarax (Giire) oo gudoominayay  fadhiga maanta oo Sabti ah 18-01-2024, ayaa muddo laba todobaad ah ku kordhiyay kal-fadhigii 10aad, si Go’aan looga gaadho Miisaaniyada Qaranka ee Xukuumadda cusub.

Guddoomiye Giire waxa uu mudanayaasha ku wargaliyay la shaqayn doono labadaa todobaad,balse soo jeedinta ayaa sawaxan iyo buuq ka abuurtay, iyadoo mudanayaasha qaarkood ku diideen soo jeedinta oo ay sheegeen in aannay waafaqsanay xeer hoosaadka iyo dastuurka dalka.

Qoraalkan oo Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ku saxeexnaa ayuu Guddoomiye ku xigeenka Suciid Mirre ka akhriyay Madasha fadhiga gollaha,

Hase yeeshee sawaxanka la dhashay soo jeedinta kaddib waxa cod la geliyay in muddo laba todobaad ah lasii wado fadhiga gollaha, taas oo markii mudanayaasha qaarkood ku tilmaameen in aannay waafaqsanayn  Xeer hoosaadka,  laakii.n  Guddoomiyaha ayaa cod geliyay arrinta la horkeenay Gollaha

Markii  la geliyay cod in 27 ayaa ogolaaday waxa diiday 5 Mudane, hakka 11 xildhibaan ka aamaasuneen, guddoomiyuhuna aanu codayn,  sida uu Guddoomiye Siciid Mirre Giire oo fadhiga Guddoominayay sheegay.

Halkan waxa ka muuqda lifaaqa qodobada Xeer hoosaadka ee tilmamaya qaabka loo maaraynayo markii golaha oo doonayay inuu fasaxgalo ay soo baxdo hawl aan looga maarmay. In fadhiga lasii wado sida uu tilmamaay Xeer hoosaadka  ee waafaqsan dooda Xildhibaanada diidanaa soo jeedinta qaabka loo horkeenay Gollaha .

Qodobada 8aad iyo 9aad ee Xeer hoosaadka golaha ayaa sharaxaya halkan ka akhri.

Halkan ka DDaawo Qaabka Gollaha Loogu Codeeyay arrintaa

https://www.facebook.com/share/v/1BryJtk3FT/