X
    Categories: Warar

Golaha Guurtida Oo U Ballamay Muddo-kordhinta Madaxtooyadda Iyo Gollayaasha Kale

Araweelo News News

Hargeysa (ANN)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inuu gudo-galo go’aan-ka-gaadhista muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo golayaasha kale ee qaranka toddobaadkan.
Fadhigii Golaha Guurtida ee shalay, waxa xildhibaannu ku ansixiyeen ajandaha ay ku shaqaynayaan kalfadhigooda 62aad, kaasi oo qodobadda ugu horreeya uu ka mid yahay muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo muddo-xileedkoodu ku egyahay dhammaadka bishan March oo ay ahayd in la qabto doorashada Madaxtooyada, balse dufuurta abaarta daran ee ka taagan dalka Somaliland sababeen in dib loo dhigo.
Ajandaha kalfadhiga Guurtida ka hor intii aan la ansixin wax-ka-beddel kooban lagu sameeyey kadib dood ay ka yeesheen xildhibaannadu, waxa ka dhex muuqda go’aanka goluhu ka qaadanayo doorashooyinka dib u dhacay iyo xogogaal u noqoshada xilliga doorashooyinku ku qabsoomi karaan.
Sidaa darteed, maalmaha soo socda ayaa goluhu u ballamay meel-marinta go’aanka muddo-kordhinta Madaxweynaha ee sida weyn loogu dheg-taagayo, iyadoo la filayo in shirguddoonku u saaro guddi xildhibaanno ah ka talo-bixinta muddada ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka, ka hor inta aan golaha oo midaysan go’aan ka gaadhin arrintan.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, saddexda xisbi qaran iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa hore ugu heshiiyey in muddada loo kordhinayo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu noqoto lix bilood, lana qabto doorashada 10-ka bisha October ee sannadkan 2017, laakiin lama oga in go’aanka laga sugayo Golaha Guurtida oo iyagu awood distoori ah u leh muddo-kordhinta golayaasha qaranku ku salayn doonaan heshiiskaas iyo in kale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post