X

Gollaha Guurtida Oo Fadhi Aan Caadi Ahayn Loogu Yeedhay Iyo Nuxurka Qoraalka Madaxweyne Muuse Biixi U Gudbiyay

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa loogu yeedhay inay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa oo ku beegan 12 January 2019.

Sidaana waxa shaaciyay maanta Xoghayaha gollaha Guurtida Somaliland Naasir Aadan Beegsi,wuxuuna sheegay in sababta fadhiga aan caadiga ahayn loogu yeedhay Mudanayaasha Aqalka Odayaasha ay ka danbaysay kadib markii ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka heleen qoraal uu soo gaadhsiiyay shir-gudoonka golaha.

Xoghaya gollaha Guurtida Naasir Beegsi, ma sharaxin ujeedada fadhigaa degdega ah. Balse wuxuu xusay in lagaga hadlayo wax Qaranka Somaliland muhiim u ah.

Haseyeeshee si ku cad Warqada Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyay Shirgudoonka golaha guurtida oo ku taariikhaysan 8 January 2019, Isla markaana shebkadda Araweelo News Network heshay nuqul ka mid ah, waxa Madaxweynuhu kaga hadlay in muddadii la filayay in doorashada golaha Wwakiiladda Somaliland ka qabsoonto dalka March 2019, aanay farsamo ahaan Iyo dhaqaale ahaan suurta gal ahayn.

Sidaa awgeed Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in uu ku lifaaqay warqad uu ka helay guddida Doorashooyinka Qaranka oo ku taariikhaysan 19/12/2018, taas oo ay ku sababeeyeen in aan doorashadu waqtigeedu ku qabsoomayn.
Qoraalka Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyay golaha Guurtida, ayaa u dhignaa sidan:-

Warqada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u gudbiyay Guurtida araweelo News Network.
Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post