X
    Categories: Warar

Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay oo ka Digay Dib-u-dhac ku Yimaada Doorashada Macmalka ah ee Soomaaliya

Araweelo News Network

New York (ANN) Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyey dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka macmalka ah oo hore loogu qoondeeyey inay dalka Soomaaliya ka dhacaan sannadkan 2016.
yagoo ku boorriyay Dowladda Soomaaliya inay ku qabato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha xilliga cusub ee loo qabtay.
Fadhi xubnaha Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York ee dalka Maraykanka maalintii Jimcaha, waxa ay ku amreen maamulka taagta daran ee Muqdisho inuu ku qabto doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamanka Soomaaliya xilligii hore loogu asteeyey oo ku beegan bisha December ee sannadkan, laakiin maamulka Muqdisho shaaciyey in dib-u-dhac ku yimi.
Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliya inay xukuumaddooda kala shaqeeyaan qabsoomidda doorashooyinka sannadkan gudihiisa, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka goobaha codbixinta doorashada.
Doorashooyinka macmalka ah ee lagu waday in ay ka qabsoomaan Soomaaliya dabayaaqada 2016, ayaa dib-u-dhac ku yimi kadib markii maamulka Muqdisho ku dhawaaqay in aanay suurtogal ahayn doorasho dhacda sannadkan bilaha kooban ka hadhsan yihiin.
Waxa kaloo Golaha Ammaanku sheegay in loo baahan yahay in la sii wado maamul-wanaagga iyo geeddi-socod doorashooyin loo dhan yahay oo ka dhaca Soomaaliya, iyagoo ka digay in dib looga dhigo doorashada sannadkan 2016.
Dhinaca kale, Danjiraha dalka Britain ee Qarammada Midoobay Mr. Matthew Rycroft oo ka hadlay doorashooyinka macmalka ah ee la doonayo inay Soomaaliya ka dhacaan, ayaa u soo jeediyey beesha caalamka inay u midoobaan taageerada hirgelinta qorshaha doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha dalka colaaduhu aafeeyeen oo ay qabsoomiddeeda xoog dabada uga riixayaan waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shan murrashax oo kale ay ku jiraan haween, ayaa u taagan xilka tartanka doorasho-la-moodka madaxnimo ee Soomaaliya oo lagu saleeyey nidaamka 4.5 ee qabaa’ilka ku dhisan oo qorshuhu ahaa in lagaga guuro doorashooyinkan qabsoomiddooda caalamku ka walaacsan yahay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post