X
    Categories: Warar

Golaha Ammaanka Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Al-shabaab Iyo Dawlada Eriterea

Araweelo News Network

New York(ANN)Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay, ayaa lagaga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Al-shabaab iyo Xukuumadda dalka Eritrea oo marar badan lagu eedeeyay inay taageero siiso kooxdaa oo dagaal kula jirta xukuumadda Somalia iyo cciidamadda AMISOM ee ku sugan Somalia.
Kulan xubnaha golaha ammaanku yeesheen oo ay Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea warbixin ka jeediyeen, waxay si cad ugu sheegeen in dowlada Eritrea aanay ku lug laheyn taageerada ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Rafael Darío Ramirez Carreño, oo ah gudoomiyaha gudiga Cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay in aanay helin wax cadeymo ah oo muujinaya in dowladda Eritrea ay taageerto ururka Al-shabaab, laakiin wuxuu sheegay in Eritrea taageero siiso kooxo ka dagaalama dalka Ethiopia.

Mr Carreno, oo warbixinta ka jeediyay fadhiga xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay, wuxuu sheegay inay waayeen cadeymaha eedeymo badan oo loo jeediyay dowlada Eritrea, kuwaas oo ahaa inay taageerto ururka A-lshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada Eritrea ay wada shaqayn kooban la samaysay hay’adda intii baadhitaanku socday, wuxuuna sidoo kale sheegay in aanay ku guuleysan murun xuduudeedka u dhaxeeya dowlada Eritrea iyo Djibouti.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa magacaabay xubno khuburo ah oo tiradoodu tahay 8, kuwaas lagu kordhinayo howsha Kooxda dabagalka ee Geeska Afrika.

Fadhiga xubnaha golaha ammaanka ee qaramada Midoobay mudadii uu socday, waxa Guddiga dabagalku so jeediyeen in xubnaha guddiga loo ogolaado in ay tagaan gudaha Eritrea, maadmaama xubnaha 3 sanadood ay ugu danbaysay inay booqdaan dalkaa. kadib markii dawlada Eritrea ka mamnuucday inay dalkeeda tagaan xubnahaasi.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post