X
    Categories: Warar

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Loo Gudbiyay Warbixin Ka Hadlay Tacadiyada Xuquuqda Aadamaha Ee Soomaaliya

Securtycouncil

Araweelo News Network

 

New York(ANN)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa loo gudbiyay warbixin xanbaarsan naxdin iyo murugo oo ka hadlaysa tacadiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha ee ka dhacaya Soomaaliya.

Warbixintaa oo Hay’adda xuquuqul Aadamaha ee Human Ritgh Watch Qaramada Midoobay, ayaa la gaadhsiiyay golaha amaanka.

Human Rights Watch, waxay warbixinteeda ku muujisay dhibaatooyinka xuquuqda Aadamaha ee ka dhacaya Soomaaliya, iyadoo wax laga argagaxo ku tilmaamtay korodhka  tacaddiyada kufsiga ee ka socda Soomaaliya iyo gabaood falada kale.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kufsiyo aan kala sooc lahayn loo geystay haweenka, gabadhaha ah iyo wiilasha yar yar, iyadoo markaa kaddib la khaariyo qaarkood.

Human Rights watch ayaa ugu baaqday masuuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso lah u dhaqan geliyaan sharciga Dembiyada Jinsiga ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka muddo laba sannadood laga joogo.

Dhinaca kale, Hay’adda ayaa dhiirrigalisay go’aanka magacaabista dacwad oogge khaas ah oo baadhitaan ku sameeya dilalka saxafiyiinta ee Soomaaliya.

“Waa lagama maarmaan in madaxda Soomaalidu ay garwaaqsadaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda iyo xorriyada dadkooda ay u leeyihiin inay si xor ah u soo bandhigaan aragtidooda, isla markaana  ka ilaaliyaan suxufiyiinta xadhig sharci darro ah, dhibaatooyin cabsi gelin iyo weerraro loo geysto oo ay ku jiraan dil,” ayay Warbixinta ku tidhi, Human Rights Watch.

Dhinaca kale, waxa la filaaya in golaha amaanku kasoo saaro qaraar marka uu derso warxbintaa ka hadlay xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka xuquuqda Aadamaha ee Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post